GAAROODI NEWS NETWORK

Baaq Dheer oo Ku Socda Dadka Degan Xaafada Maxamed Mooge Inay ka Gelgishaan Dhul Balaadhsiga iyo Caafimaad Darada Kaga Imanaysa Shirkada Cumaani

WARARKA XQQIIQO OO SHEEGA INA MASUULKII SHIRKADA CUMAANIGA EE KARASHARKA SOO SAARTA OO LAGU WAREEJIYEY DHULKUU KA DEGANAA MADAARKA
————————————————————
Shirkadii Qandaraaska Ku Qaadatay Sameynta Madaarka Hargeiysa Ee Comaaniga La odhan Jiraya Imikan Dhex Taalaay Madaarka dhexdiisa ayaa Waxaa Lagu Wareejiyey Dhul Aan Hore loo Ogayn kaasi Oo Markii Taarka La Xidhaaye Loo Xeyndaabay Airportka Cigal Markaasi Uu Ka Mid Noqday Xeyndaabka Airpor ka .
Markii Taarka la dhameyey Ayaa Waxaa Soo Dagtay Qeybta Bariga Madaarka Shirka CUMAANIGA Halkaasi Oo Ay ka Dhigteen Xarun Lagu Burburiyo Dhagaxanta Shirkaadasi Cumanigu Waxay Halkaasi keensatay Qalab Faro Badan Iyo Mishiino Isku Ridqa Dhagxanta iyo Daamuurka iyadoo Halkaasi Lagu Warshadeynaayo “Jeygii iyo Daamuurkii”kana Soo baxeyso Iyadoo warshadeysan . Jeyga Madaarka lagu Dhisayey wuxu ka Qaadan jiray Shirkadii Shaam Ee Xaga Hoose ka xigtay Markii Danbe uu Iibsaday Markii uu Jeygii ku Qaali garoobay .

Shirkadan Cumaanigu Waxay Maalin Kasta Ku Sii Deyn Jirtay Hawda Dhas aad u Faro badan Dhaskaasi Wuxuu Waxyeelo Gaadhsiin Jiray Oo aad ugu Cawday Dadweyn degmada Mohamed mooge iyadoo Uu ka Sii Muuqdo Guraha xaafada Maxamed Mooge Ruuf kaste Am jiingada Kasta Uuna saaran Yahay Daskii Uu soo Buufina Jiray Warshadaasi Cumanigu .

Khubaro Ku Takhasustay Cilmiga Macdanta Iyo Dhagxaantu Markii Ay Soo baadheen Qiimeyn Dheer ku soo sameeyen Iyagoo Is Barbar dhigaaya Shirkadaha Noocan Oo kale Ah ee ka Jira Aduun weynaha .
Iyagoo Sameyey Cilmi Baadhis Qoto Dheer kuwaasi Oo ka Duulaaya Saameynta Uu ku Yeelanaayo Bulshaden
Waxay Aad Ula Yaabeen Sida Dalalka Kale Iskaga Fogeeyana Warshadahan Oo kale Iyagoo Dalalkaasi ka duulaya “Bad qabka” Bulshadood Kana Taxadiraaya Xanuunada Uu Keeni karo Qiiqaasi am Dhaskaasi Ay warshadaasi Ku siideynayan Hawda iyo sida Ay Ugu Sareyso Bulsho Dhan Am Xaafado dhan Kuwaasi Oo isla ilbidhiqsigiiba Ay ku soo Qaadeyso Dabeyshu Toosna ugu keeeneyso Guryahooda .
Saameynta U ku Reebi Karo Bulshadaasi Ayna Tahay Mid Aan Laga Soo waaqasan Karin .
Keeni Karaan Cuduro Iyo Caafimada Xumo

Dalalka Caalamka :

Tusaale :Ahaan Dalka (Ugand)Wuxuu Leeyahay Warshado Lagu Dhiso Wadooyinka Casriga ah Kuwaasi oo ah (Nooca Kalasharka ) Looyagaano
Waxaana Gacanta ku Heysta Dawlada Qeybteed (Haayada wadooyinka Qaranka) warshadaha Noocan oo kale waxay Geysaa Dhul Aad Ugu Fog magaaloyinka waaweyn Ee Uganda.
Marka wadooyinka la sameynayo waxa Macaa Qalabkaasi Laga Soo Qaada Goobtaasi Iyadoo La Keeno Goobaha Laga Bineynaayo Wadooyinka Ee ka Fog Magaaloyinka Kuwaasi Oo Aad Looga Taxdiro Goobta La dhigayaa Inay Dadweyn Ku Noolyahay am u dhaw yihin .

Somaaliland Lama Eegin Lamana Darsin Saameynta Bulsho Iyo mida Deegan Ee U ku Sameynayo Warshadaasi la Dulkeenay Magaalada Dusheeda .

Lama Garan Karno Waxyeelada U geystay intuu Dhaskaasi Ku Faafayey Am galaayey Hawda .

👉XUKUMADA HADA JOOGTA

Markii Ay Dadku Aad ugu Cawdeen Dhaskaasi Ay saydhineynayso warshadaasi Waxay Amar ku Bixisay ina La Xidho Warshadaasi Iyadoo Amarkaasi u soo Saaray MAREEYAHA Airportada
Taasi oo Wajigabax Ku Noqotay mulkilaha Shirkada Cumaaniga iyadoo u diiday Amarkaasi waxaanu La Soo Baxay Warqado iyo Deymo Uu Ku Sheeganayo inuu Kulahaa Markii La dhisaayey Madaarka Waxaanu s heegtay Deymo Aad U xad Dhaaf Taasi oo gaadheysa (#2MALYAN OO DOLAR. )
Waxaa u la Soo Baxay warqqado Iyo Cadeymo U cadeynayaa inuu Lacagtaasi U Leeyahay Kuwaasi oo U ku Saxeexan Yahay madaxweynihii hore Siiranayo oo aya ilmaderyihiin Mulkiilaha Shirkada Cumaaniga . Waxaana Deyntaasi loo Siiyey DHUL Cabirkiisu Yahay :

Cabirka dhulkaa Lagu wareejiyey Loona siiyey Deyntaa =(#400MITIR × #300MITIR )

Dhulkaasi Oo u Deganaa Markii Hore Markii Uu La Soo Baxay Shircigaasi Waxaa Goobtaasi iskugu Yimid
#7 #Wasiir oo ka Tirsan Xukumada Muuse Biixi Waxay Go.aamiyeen Ina Aan Hada La bixin Karin Deyntaasi Uu sheeganayo Mulkiilaha Cumaaniga Waxaan Loo dayey Dhulkii Uu Deganaa halkaasi Oo markii Hore Laga Rarey Dad danyar ah oo ahaa Bulshadii Deegankaa

Waxaa Jiray Isna Heshiis Hore oo Ahaa inuu Dhisaayo Wadada Isku Xidha Madaarka iyo Xaafada “#Digaale” Taas

Taasi Oo Markii Uu Degayey Bulshada Deeganka Ku Beerlaxawsanaayey Inuu Dhisi Doono Wadaadaasi

Dadkii Deeganka Madaarku Waxay Ku Qaban Dhibaatooyin Ah Inuu dhulkii Laga Rarey loo Sharci Garayey Inaanu Fulin Waddadii U yidhii Waan dhisayaa ?

Guntii iyo Gabo Gabadii Waxaad Halkaasi Ka Garan Kartaa ina Dhulkii Danta Guud Loo isticmaalo Dhul Gaar Loo Leeyahay ?

Maxaa kaga Baxay Qoralkaasi
#Fiirogaar Ah
Hadii lasiiyey meeshii Ugu muhiisaneyd Ee Diyaaraduhu Reyn Wayga kaga Soo Labi Jiree Ahaynd goobtii Iaga kordhin Iahaa Dhulkaasi lasiiyey Miyaaney Ahayn Ina inla Dulmay Dadkii Iaga Raray

W/Q:Abdinasir Ismail Arraleh

Baaq Dheer oo Ku Socda Dadka Degan Xaafada Maxamed Mooge Inay ka Gelgishaan Dhul Balaadhsiga iyo Caafimaad Darada Kaga Imanaysa Shirkada Cumaani

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM