GAAROODI NEWS NETWORK

Booqashadii Darroor:- Xasuusta Jidkii U Dhexeeyay Hargeysa iyo Darroor (Qaybta 1aad) Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

Daroor (Gaaroodinews)  Booqashadii Darroor: Xasuusta Jidkii U Dhexeeyay Hargeysa iyo Darroor (Qaybta 1aad)

Abbaaro 04:30 galabnimo ee maalin Khamiis ah kuna suntanayd 5tii Sebtember 2019ka ayaannu ka baxnay magaalada Hargeysa annaga oo u jeedna degmada Darroor, oo ka tirsan Gobolka Jarar ee Dawladda Soomaalida Itoobiya. Waddada Sallaxley ee Koonfur ka xigta caasimadda ayaanu raacnay, markii aanu Toon iyo Qoolcadaday dhaafnay ayaanu Banka u raacnay dhinaca Bari.

Waxa aanu sii marnay Balli ciise, Libaax Qawdhama iyo Ina Igarre annaga oo u gudubnay deegaanka Higlada. Halkaa waxa aanu kula kulannay askarta dawladda Soomaalida Itoobiya oo joojiyay gaadhigii aanu wadannay. Inta aanu ka soo degnay baabuurka ayaannu dhulka fadhiisannay oo aanu war, weydiimo iyo xogo wixii loo baahdaba is dhaafsannay.

Waxa ay na weydiiyeen in aanu haysanno sharciga gelitaanka Itoobiya, baabuurkii aanu wadannayna waa ay hubiyeen nabadgelyo ahaan, weydiimihii waajibka ahaa ayay noo bandhigeen. Waxa aanu u sheegnay in aanu nahay arday iyo dalxiiseyaal u dhashay degmada oo aan gu’yaal arkin deegaanka. Sidaasna aanu u jeclaannay in aanu soo aragnay dhulka, qof ahaan waxa iigu dambaysay 21kii Jeneweri 1997kii oo aanu ka soo guurnay Kaam Abokor.

Ciidanka Higlada oo uu madax u ahaa sarkaal magaciisa noogu sheegay Maxamed (Ilkaweyne) waxa ay nagula talinayeen in aanu iska seexanno Waabacaddo, subaxana aanu galno Darroor, isla markaasna aanu iska xaadirinno Saldhigga Degmada Darroor marka aanu degmada galno.

Sarkaalkani waxa uu na siiyay talooyin guud oo ku saabsan badqabkayaga, waxaanu u sheegay in aanu nahay dad shacab ah oo aan ku lug lahayn nabadgelyo darro iyo wax la dhibsado midna. Ciidanka waxa aanu u sheegnay haybta aanu nahay oo ahayd aqoonsiga keliya ee na lagu garan lahaa. Waxa uu booliska Darroor siiyay warbixin ku saabsan tirade aannu nahay oo shan qof ahayd, nooca gaadhiga aanu wadanno oo ahaa Laanguruusal Layla Calawi ah iyo yoolka aanu u soconno.

Waxa aannu ka gudbnay xuduudda annaga oo sii marnay deegaannada Karooska iyo Kaam Maxamed. Maadaama oo ay gabal-dhac ahayd waxa aanu ka leexannay jidkii Waabacaddo na geyn lahaa. Wadaha gaadhiga waxa uu ahaa Cabdijaliil Cali Jaamac Boqorre: halgamaa isaga oo da’ yar ku biiray SNM, sidoo kalena ah wade waayo-arag ah oo kaxaynta gawaadhida ku xeel-dheer, farshaxan ku ah, oo ku raaxaysta masuuliyadda darawalnimada ayaa noo sheegay in aanu haynno jidka caanka ah ee Qaaxo. Nin dad aqoon ah oo dal-amareen ah buu ahaa. Aniga oo gaadhiga hore saarnaa ayaaba meel jidka saxda ah mooday dhiidhi, sidaasna wadaha uga codsaday in uu uga weecdo. Door weyn ayaan ambadka ku lahaa.

Marka laga yimaaddo Mujaahid Cabdijaliil iyo aniga, waxa safarka nagu wehelinayay Abtigay Faysal Xasan-Tuule, Hoggaamiye Axmed Faysal Cali iyo Garyaqaan Cabdinajax Axmed Xirsi (Badhyacune). Kollayba barbaar xul ah oo xilkas ayay ahaayeen.

Waxa aanu ku adkaysannay in aannaan waddada ka leexan in aanu helno cid na hagta. Wax aanu soconnaba waxa aanu galnay deegaanka Shabeelle, halkaas oo nalaga tilmaamay. Waxa aanu raacnay Waddo Toosan oo isku xidha Jigjiga, Xarshin, Darroor, iyo Gaashaamo. 1996kii ayaa maritaankeeda iigu dambaysay, sidii aanu marinkaa u haynnay ayaannu u gudubnay Aarjoog, annaga oo u leexannay Barriiqo.

Xilligaas oo ku beegnaa 09:00 caweysnimo waxa aanu jidka ku hagaajinnay taayir naga banjaray. Dhir ay waayo waayo iigu dambaysay ayaan indhaha saaray. Deegaankuna waxa uu ahaa mid roobban. Sheekada, hawaale-warranka iyo haasaawaha ayaa noo dhex ahaa.

Dhinacyada waddada aanu maraynno waxa ku hareeraysnaa xoolo kala geddisan oo geel iyo adhi ah. Waxa wadhnayd xareedda roobka. Dhirta mankeeda ayaa ay indhuhu ku doogsanayeen. Doogga ayaa ahaa muuqaalka ay indhuhu ku doogsadaan. Ugaadh ay ka mid yihiin sakaarada iyo garanuugtu ayaanu jidka ku dhaafnay. Waxa kale oo kolba naga hor booda shimbiro, bakayle iyo nooleyaal kale. Marka aanu maraynno meel geelu daaqayo waxa aanu dhimaynnay xawaaraha gaadhiga, si aanu didmada ugu jabin.

10kii habeennimo ayaanu gaadhay Waabacaddo. Anigu judhiiba waxa aan u holladay in aan seexdo, intii ay raga kale cawaynayeen waxa aan dhex seexda gaadhiga. Waxa aan idhi “Bannaan la iskuma hallayn karo. Yaa, bahal hoose aammin ma leh”. Markii dambe waxa aanu seexannay dhisme Waabocaddo ku yaallay.

Waabacaddo waa deegaan labaataneeyo kiiloomitir u jira Darroor. Dad badan oo aanu garannay ayaanu ku aragnay, waxa ka mid ahaa Cali Jaamac Boqorre oo aabbe u ahaa wadaha gaadhigayaga Cabdijaliil Cali Jaamac Boqorre. Kolkii waagu beryay ayaannu u jarmaadnay dhinaca degmada Darroor oo ka tirsan Gobolka Jarar ee Dawladda Soomaalida Itoobiya.

La soco qaybta labaad idanka Alle.

Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM