GAAROODI NEWS NETWORK

Booqashadii Darroor:- Gudagalkii Degmada iyo Xog-warranka Xaaladdii Magaalada. Qaybta 2aad Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

Daroor (Gaaroodinews) Booqashadii Darroor: Gudagalkii Degmada iyo Xog-warranka Xaaladdii Magaalada. Qaybta 2aad

Laba waddo ayaa Koonfur uga baxa Waabacaddo oo aanu habeenkii kowaad seexannay, mid ka mid ah ayaa Darroor tagta, dadkii deegaanka oo aanu weydiinnay jidka la raacayo ayaa noo tilmaamay tii qummanayd. Kaymo shareeran oo ka badbaaday aafada dhuxulaysiga iyo dhul roobku biyo dhigay ayaanu sii dhex qaadnay.

Degmada iyo deegaanka Soomaalidu waxa uu ka nabad galay seereyaasha wadne-gooyada ku ah xoolaha iyo daaqa, ee xaalufiyay ama dabargooyada ku ah xoolo-dhaqatada Somaliland. Nin naga mid ahaa arkay geedka meygaagga, reer magaal ayaanu ahaa. Waxa uu yidhi “Geedkaasi Yurub ayuu ka baxaa, filinnada ayaan ku daawaday”, waxa aan u shegay in aan dhiil ku culay muddo dhawr iyo labaatan gu’ laga joogo.

Geliyada Xagar-lebile iyo Xidh-saliid ayaa ka mid ahaa goobaha aanu sii marnay. Kolkii aanu aragnay ciidda madaw ee uu sababo dhagaxa madaw ee ay Darroor caanka ku tahay ayuu Cabdijaliil Cali Jaamac Boqorre yidhi “Hadda waa aynu joognaa Darroor”. Waxa noo muuqday birta shirkadda isgaadhsiinta Itoobiya oo ka mudhay Darroor. Judhiiba waxa aanu socdaalkayaga ogeysiinnay Saldhigga Degmada Darroor, waana siduu ahaa dardaarankii aanu soohdinta kaga soo tallawnay. “Socda” ayay yidhaahdeen ciidankii xerada joogay.

Waxa dhaayaha u laacay ceelka caanka ah ee degmada loogu magac-daray:
Ceelkii Darrooroo
Biyo cidhifka joogaay

Marka laga yimaaddo nin aanu jaal nahay oo aan habeen ka hor u sheegay, waxa aan haleelay in aan hal qof oo qoyska ah ku wargeliyo safarka aan galay. Waxa aan xerta ku lahaa “Hadda ma jiro qof aan garanayo oo aan Darroor ku ogahay, laakiin kollay dad aan garanayo waan ku arki”. Markii koowaad ee aan cagaha dhigo ayay ahayd. Judhiiba waxa aan aqoonsaday Mustafe Xaaji Ismaaciil Bakayle oo aanu deris ku nahay Hargeysa. Si milgo leh ayuu noo soo dhaweeyay.

Maadaama oo muuqaalkayaga laga gartay in aanu nahay dad cusub, gaar ahaanna rag yara buurbuurnaa oo nala socday iyo aniga oo malaha gadhka weyn la iigu maleeyay wadaad qurbe-joog ah, waxa aanu dareennay in lala socdo soo-gelitaankayaga. Maadaama oo degmadu aanay le’ekayn caasimadaha, indhaha ayaa nalagu biniiniyay. Annaguna waxa aanu bilawnay in aanu haybsanno dadka si aanu u kala garanno. Haddii xilliyada qaar ay ahaan lahayd oo aan gadhkaas la geli lahaa degmada ama dawladda Soomaalida Itoobiya, malaha il gaar ah ayaa la igu eegi lahaa..

Nin naga mid ahaa ayaa yidhi “Waar yaa tolka magaalada ka jooga?” waxa la yidhi “gabadh la furay oo xalay xaflad dhigtay, taas oo kala-tagga loogu dabbaal-degay”. Wax yar kaddib ayaa la raaciyay “Gabadhii xafladda dhigatay, waa la xidhay”. Shaw 7dii Julaay 2019ka oo uu dayaxu madoobay ayaa salaaddii dayax-madoobaadka loo dareeray, waxaana Darroor ka socotay xaflad aroos ah oo muusig leh, ragga iyo dumarkuna is-dhex galayeen. Haweenaydii arooska ahayd ayaa lagu yidhi “Innaga jooji”. Waxa ay tidhi “Cajalad ayaa ii socota. Ha ii dhammaato. Dayaxa waxba igama gelin”. Subaxii ay guddoonka, duqa, maxkamadaha, hoggaanada maamulka, dhallinyarada iyo waxgaradka Darroor fadhiisteen.

Waxa la goaamiyay in aan munaasibad muusig leh, ragga iyo dumarkuna is dhexgalaan lagu qabannin Darroor. Qofkii ku kacana la saari doono ganaax dhan 15,000 Riyaalka Itoobiya ah una dhiganta $350. Gabadhaas ayaa noqotay qofkii kowaad ee lagu fuliyo ganaaxa. Rag iga muddakarsanaa oo naga mid ahaa ayaa furdaaminta hawsha door ka qaatay.
Degmada Darroor waxa ay muddo bilo ah ka nasteen maandooriyaha Khamriga oo laga mamnuucay in lagu adeegsado Degmada Darroor, xilliyadii hore si aan qarsoodi ahayn ayaa looga ganacsan jiray. Waxyaabaha kale ee ay degmadu talada kaga jirto waxa ka mid ahaa diin-cayga oo ku faafay Soomaalida Itoobiya xilligii uu xilka hayay Cabdi Maxamuud Cumar. Waa lagu xarragoodaa, waxaa se la qorshaynayaa in gudaha la dhigo cidda caydaas foosha xun samaysa.

Guud ahaan waxa kordhaya oo kobcaya kalsoonida ay dadku ku qabaan dawladdooda, askartooda iyo la-dhaqanka dadka ay isku dalka yihiin. Waxaa meesha ka baxday naxdintii joogtada ahayd ee ay dalka iyo dadka ku hayeen nidaamkii meesha ka baxay ee Cabdi Maxamuud Cumar madaxda u ahaa. Degmadu waxa ay leedahay cusbitaal guud oo waraabiya xarumaha caafimaad ee degmada, waxa yaallay dawadii waxaana joogay dhakhaatiirtii. Dugsi sare iyo mid dhexe ayaa gudaha degmada ku yaallay, waxaanay ardaydu ku jireen fasaxii. Waxa socday dhismaha rug-aqooneedka degmada (Maktabadda).

Dhul ahaan waxa hoos imanayay deegaan ballaadhan oo u dhaw 80 km, intaas oo santar iyo qabalee ayaa maamulka Darroor ka tirsan. Waxa ay timaaddada xuddun u noqon doontaa gobol ay ku midoobaan Darroor, Xarshin iyo Gaashaammo oo dhawaanaha la hadal hayay. Waxa ku noolaa bulsho u badan xoolo-dhaqato oo ay u foofaan meesiyada kala geddisan ee nimcoolaydu. Dhallinyarada aanu aragnay waxa ay u badnaayeen shaqaale dawladeed oo ka hawlgala maxkamadaha, maaliyadda, waxbarashada, caafimaadka, ciidanka iyo xisbiga. Barbaar haya xilal iyo dar hawl-wadeenno ah ayay ahaayeen.

La soco qaybta saddexaad haddii Alle idmo

 

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodinews.com

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM