GAAROODI NEWS NETWORK

Booqashadi Darroor:- Caqabadaha Degmada Haysta iyo Ku-soo Labaashadii Hargeysa Qormada 3aad Qalinkii (Siciid Maxamuud Gahayr )

Daroor (Gaaroodinews) Booqashadi Darroor: Caqabadaha Degmada Haysta iyo Ku-soo Labaashadii Hargeysa Qormada 3aad.

Waxa aan qormadan u dambaysa ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah caqabadaha deegaanka Darroor haysta iyo qaar ka mid ah waxyaabaha aan ka xusi karo dhacdooyinka aan indhahayga ku soo arkay.

Waxa ka mid ah:
1. Inkasta oo DDSI laga dhisay 45 waddo, waxa ay degmadu ka qatanayd laamiyada. Jidadka ay baabuurtu maraan ayaa carriga u roga jeexyo iyo laagag biyo-mareen aan la socon karin xilliyada daadadku rogmanayaan. Meelo kooban oo dooxooyin ah ayaa la dhigay dhagax iyo daammur aan badnayn.

Jid-la’aantu waa caqabad go’doon ka dhigaysa degmada. Waxa aad ka dareemi kartaa halkaas in aan loo sinnayn waxqabadkii laga fuliyay dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waddo-la’aantu waxa ay carqalad ku tahay caafimaadka, gurmadka degdegga ah iyo ganacsiga.

2. Riigga biyuhu waxa uu ku iman jiray lacag la’aan. Maalin dhawayd oo loo baahday waxa uu yidhi “Haddii aan la keenin 60,000 riyaal, ma imanayo”. Furfurnaanta nidaamka cusub ee Itoobiya waxa ku hoos dhuumanaya kooxo musuqmaasuq faraha kula jira iyo kooxo fog.

3. Degmo kastaaba waxa ay gaadhi kartaa goaan, iyada oo yeelan karta xeer u gaar ah.

4. Itoobiya marka la joogo, lagama daba-tago qofka la xidho “Waa lagu adkaynayaa ha u tagina”. Waxa laga baqdaa in lagu sii adkeeyo maxbuuska.

5. Waxa ku badan warka, xog-tebinta iyo dabagalka. Qof kastaaba waa sirdoon iskii ugu adeega qaranka oo halkiisa isku dira. Waxa la isu tilmaamaa soo-gelaytiga iyo garan-waaga, waana ta keentay in la sugo nabadgelyada oo laga badbaado dadka qas-wadeyaasha ah.

6. Waxa aan degmada weli soo gaadhin korontada biyaha laga dhaliyo ee Itoobiya, deegaanka waxa laga adeegsadaa koronto laga dhaliyo cadceedda (solar), waxaana loo daarnaa dab-dhaliyeyaal (mishiinno) la shido 06:00 fiidnimo illaa 12:00 habeennimo. Wixii intaas ka dambeeya waa uu demaa. Maalinnimada lama helo goob moobillada laga dabeeyo.

7. Marar badan waxa danaha degmada lid ku ah iska-horkeen ay sameeyaan kooxo leh dano gaar ahi, taasi waxa ay xannibtaa ama joojisaa waxtar la gaadhi lahaa haddii la sameeyo midnimo, wada-jir iyo isku-tiirsanaan.

8dii Sebtember 2019ka, maalin Axad ah ayaanu ka soo ambabaxnay Darroor. Waxa aanu soo marnay Aarjoog, Shabeelle iyo Rabaso. Markii aannu halkaas maraynnay waxa aan jeclaa in Galbeed loo sii socdo la soo maro Celiyo, Gaashaanka, Kaam Abokor iyo Aadan-Waraabe, laakiin waa la iga cod batay.

Mar haddiiba aanan Kaamkii dahabka ahaa ee Abokor soo marin, geeddigayga walax baa ka dhiman.. Xiisuhu tegi maayo, boholyowguna bi’i illaa aan booqdo baradii aan ku barbaaray.. Waa baradii aan higgaadda, quraanka, xisaabta iyo cilmiga ku ballaysimay.. Waa meel xasuus maguurto ah leh oo gabbood noo noqotay markii aanu bara-kacnay 1988kii. Waa hadhacii aanu ka hadhsannay aafadii 1994kii ka qaraxday Hargeysa. Waa meesha aan bil kasta iyo beri walba baraadka ka bixin, baqoolkeedana aan bogga ku hayo.

Rabaso kaddib waxa aanu u gudubnay Balliga Cabdi Ciise oo aanu u sii dhaafnay Burco-duurray oo aanu ka qadaynnay. Markii aanu hadhimadii cunnay waxa aanu soo jiidhnay deegaanka Xabashi: halkii ay isku heleen ciidamadii kacaanka iyo SNM. Waxa aanu soo marnay kayntii uu ku geeriyooday Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e. Guddoomiye Mahad Awrfuul oo Burco-duurray naga soo raacay ayaa noo noqday jidbixiye sooyaalkaas nooga warrama iyo tilmaame nagu toosiya tubta qumman.

Laanqayrta Celiyo iyo Laanqayrta Qool-dhuxulaale ayaanu ka soo gudubnay, inta aanu Baha-dhamal ka soo weecannay ayaannu Sallaxley soo galnay. Caano geel ku jira dhiil oo lis ah ayaannu halkaas ku dhannay. Markaas ayaa laga lisay ramad ay lahaayeen reer aanu ku yara hakannay.
Sallaxley waxa halis ku ah dhuxulaysiga iyo seereyaasha. Rag ayaa waddooyin jiray oo ood cusub dhigay. Ma jirto taako bannaan oo ay xooluhu daaqaan.

Dhul engegan ayaa la iska oodanayaa. Damashii iyo dhirtii qoyanayd ayaa dhulka lala simayaa. Waxa aanu soo marnay Banka Qoolcaday oo la dhigayo carra-tuulkii jidka Hargeysa-Sallaxley-Ina Guuxaa. Ilaahay ha ka abaal-mariyo cid kasta oo qaadhaan af, addin iyo adduun ku darsatay dhismaha jidkaas hawlbawlaa ah. Cabbaar ayaannu Qoolcaday ku nasannay. Abbaaro 10:30kii cawaysnimo ayaannu Hargeysa soo galnay, inta aan xeraaddii (cashadii) cunay ayaan gataati-dhacay.

Dhammaad

 

Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr Hargeisawi

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM