GAAROODI NEWS NETWORK

MAGAFAHA MUQDISHO KA DILAACAY HA LAGA DIGTOONAADO DHALINYAROOY” Qalinkii Cabdirisaaq Daallo

MAGAFAHA MUQDISHO KA DILAACAY HA LAGA DIGTOONAADO DHALINYAROOY
“””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””
100 dollar bixi si aan safarada Qatar kuu geeyo oo aan kaga damiinto ” (Caaqil ku sheeg-magafaha xamar)”

Dadku waxay isoo waydiinayaan ujeedada dhalinyarta reer somaliland ee beenta loo sheegay ee muqdisho kusoo qulqulaysa isbuucyadii ugu dambeeyay, kuwaas oo loo sheegay in ay dawlada Qatar ay qaadanayso dufcadiii labaad ee Askartii ay hore u qaadatay, kuwaas oo ay safaarada Qatar ee somalia ku taala visa siin-doonto.

Sida la xaqiijiyey ma jirto Askar ay qaadanayso dawlada Qatar, safaaradeeda somalia ku taalaana waxa ay sheegtay in war kaasi ayna wax ka jirin haba yaraatee.

Hadaba yaa mashruucan beenta ah wada? maxayse tahay ujeedada laga leeyahay?

Sheekadan waxa wada ama keenay Caaqilada Samayska ah iyo qabqablayaasha xamar jooga ee kasoo jeeda somaliland, kuwaas oo inta badan quudkooda ka raadiya meelo aan haboonayn.

Magafayaashan xamar ka DILAACAY waxay mashruucan u Abuurteen si ay xoogaa lacag ah ugu urursadaan, iyagoo mid kaste oo dhalinyarta ka mid ah ka qaaday $100 dollar ama ka badanba.

Magafayaashani waxa ay ku xidhanyihiin magafayaal kale oo somaliland jooga, kuwaas oo suuq gayn u samaynaya Mashruucan beenta ah, dhalinyartana u sheegaya in Dawlada Qatar ay xamar Askar ka qaadanayso.

Iswaydii walaal dawlada Qatar markii ay Askarta qaadanaysay doorkii hore sow somaliland qaybteeda gooni looma siin, oo intii la qaatay Hargaysa toos ugama ay duulin, maxaa hadda isbadalay?

UJEEDADA MASHRUUCAN BEENTA AH.
Magafayaashani waxa ay rabaan in ay isu Keenaan kumanyaal dhaliyaro ah oo somaliland kasoo jeeda oo ay meel iskugu aruuriyaan, Kadibna ay Dawlada Somalia ka codsadaan in dhalinyrtan Askar laga dhigo, oo tababar lagu siiyo dalka gudihiisa ama loo diro dawladaha jaarka, madaama ay reer somaliland ku yaryihiin ciidamada Somalia.

Ugu dambayn waxaan dAwlada somaalia iyo somaliland usoo jeedinaya in ay wax ka qabtaan magafayaashan dhalinyarta somaliyeed lugaynaya e beenta u sheegaya.

Alla mahad leh

 

 

W/Q Abdirazik Dallo.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM