GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sheegay In Aanu Sharcigu U Ogaleen In Uu Cafiyo Korneyl Caare + [ Muuqaal ]

Hargeysa (Gaaroodinews):- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa  waxaa uu maanta gurigiisa uu kula kulmay qaar ka mid ah saladiinta iyo madax dhaqamedka Beelaha Garxajis .

Kulankan ayaa waxaa lagaga wada Hadley isla markaana ay saladiintu madaxweyne Biixi ka codaseen in uu cafis u fidiyo Korneyl Caare iyo Jabhadiisa

Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in uu cafiyo Ciidanka Caare la socda balse aanu sharcigu u ogaleen in uu sidaas si la mid ah u cafiyo Korneyl Caare

Madaxweynaha ayaa soo jeediyey In madax dhaqameedku ay la yimadaan dariiq kale oo  Caare lagu cafiyo taas oo uu tusaale u soo qaatey  in qofka danbigaas  oo kale laga cafinaayo in uu marka hore xidhan yahay isla markaana danbi in uu sameeyey uu qirto isla markaana uu cafis dalbado

Daawo Muuqaalka Warkaas: –

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM