GAAROODI NEWS NETWORK

Golaha Guurtida Somaliland oo go,aan ka soo saaray Arin maamul oo aanay xaq u lahayn

Golaha Guurtida Somaliland oo go,aan ka soo saaray Arin maamul oo aanay xaq u lahayn, taa bedelkeeda ku guuldaraystay in go,aan ka soo saaraan colaada ceelafweyn ee mudada dheer taagnayd

Wasaarada waxbarshadu waxay qaaday talaabo taariikhi ah, oo ay ku tayaynayso waxbarshada dugsiyada dawliga ah, islamarkaana ku kontoroolayso dugsiyada gaarka loo leeyahay oo noqday awood qarisay doorkii wasaarada waxbarshada,
Wasaarada waxbarashadu waxay samaysay xeernidaamiye, faraya dugsiyada gaarka loo leeyahay in sanad walba is diiwaan geliyaan oo cashuurta ku waajibtay bixiyaan,
Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa dugsiyo ganacsi ahaan loo aasaasay oo macaash doona, sanadkastana hela malaayiin doolar oo macaash ah,
Wasaarada waxbarshadu waxay ku guulaysatay in doorkii wasaarad ahaan lahaayeen soo celiyaan, iyadoo la adkaynayo dawladnimada Somaliland

Arinta ay ka cawdeen ama diideen mulkiilyaasha qaarkood eel eh dugsiyada gaarka ah.waa in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay oo sanadkasta is diiwaan gelyaan, takale, deeqo waxbarasho ayay helaan iyagoo si hoose u maamusha wasaaradana aan ogaysiin
Arintaa ku saabsan cabashada aan garta ahayn ee dusiyada gaarka loo leeeyahay waa arin maamul(Administrative), waxa la gudboonaa in maxakamada dastuuriga u cawdaan,
Ma sharci baa in Golaha guurtidu dhegaystaan arin Idaari ah, go,aana ka soo saaraan? Ma ku jirtaa mandate guurtida in ay ka garnaqaan arimahan oo kale
Hadii waalidiinta ardayda dhigata dugsiyada gaarka loo leeyahay, ka cawdaan, dugsiyada gaarka loo leeyahay, cabashadaa waalidiinta golaha Guurtidu ma dhegaysanayaan oo go,aan ma ka soo saarayaan?
Golaha guurtidu ma waxay isu bedeleen Garsoor iyo maxkamado u gar qaada cida is haysata?
Qodobka 61aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland ayaa timaamay awooda iyo waajibaadka golaha guurtida waana sidan hoos ku qoran

AWOODDA IYO WAJIBAADKA GOLAHA GUURTIDA
1. Dejinta xeerarka ku saabsan diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada .
2. Dib-u-eegida xeerka golaha wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda mooyaane , waxaanu ku celin karaa golaha wakiilada hal mar, muddo 30 (Sodon) maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska shir-guddoonka golaha guurtida , isaga oo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu gudbinaya.
3. Ka-talo-bixinta dhaliilaha maamul ee xukuumadda iyo ogeysiintooda golaha wakiilada
4. Ka-gacan-siinta xukuumadda arrimaha la xidhiidha diinta, nabadgelyada , difaaca, dhaqanka , dhaqaalaha iyo bulshada; iyaga oo kaashanaya madax dhaqameedka beelaha .
5. U yeedhidda xubnaha xukuumadda iyo wax-ka-waydiinta gudashada xilkooda.
6. Waxa kale oo golaha guurtidu awood u leeyahay in uu golaha wakiilada u gudbiyo soo-jeedin mashruuc, si golaha wakiiladu uga doodo , go’aana uga gaadho.

Sida kor ku cad, golaha guurtidu awood uma laha in ay ka garnaqaan go,aana ka soo saaraan, Arimahan maamul ee u dhaxeeya wasaarada waxbarashada iyo mulkiilayaasha qaarkood eel eh dugsiyada gaarka.
Guurtidu ma waxay taageeraysa ganacsata aan ogolayn in cashuurta dawlada ay bixiyaan. cashuurtaas oo ah mushaharka guurtidu qaadato?
Guurtidu ma waxay ka soo horjeedaa in la adkeeyo dawladnimada iyo hayadaha dawliga ah ee ay ka mid ka yihiin,
Goalaha guurtidu markay leeyihiin xeer nidaamiayaha wasaarada waxbarshadu ma waafaqsana dastuurka soomaliland, waxaan xusuusin lahaa in golaha guurtidu iyaga laftigoodu aanay waafaqsanayn dastuurka soomaliland siday u fadhiyaan.

Golaha guurtidu maxay go,aano uga soo saari waayeen colaada ceel afwayn inta badan ka oognay, arimahaasi waxay muujinayaan in golaha guurtidu waajibaadkoodii ay ka gaabiyeen, halka ay arimo aanay xaq u lahayn gelayaan, go,aano sharci daro ahna ka soo saarayaan
Waxaan guurtida u soo jeedin lahaa in Arintaa dugsiyada gaarka loo leeyhay faraha ka qaadaan una daayaan hayadaha dastuuriga ee xaqa u leh in ay ka garnaqaan

Dr. Ali Hassan Hersi

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM