GAAROODI NEWS NETWORK

Xasuuqii Xeebta Jasiira ee lagu ISIR dilay 47 qof ee ka soo jeeday Somaliland oo la doonayo in la majaro habaabiyo Sidii loo dilay

Xasuuqii Xeebta Jasiira ee lagu ISIR dilay 47 qof ee ka soo jeeday Somaliland oo la doonayo in la majaro habaabiyo Sidii loo dilay
Maxamed Cabdi Yuusuf oo ra’iisal wasaare ka soo noqday Soomaaliya (2003-2004) ayaa ku doodaya waraysi ay ka qaadeen Goobjoog News  in xasuuqii xeebta Jaziira ka dhacay 1989 ay mas’uul ka ahaayeen dadkii la laayay, waxa uu sheegay 750 qof ka yimaadeen xeryihii qaxopotiga si qaraxyo iyo dilal uga gaystaan Mogadisho si Hargeisa iyo muqdisho isku mid u noqdaan,  waxa uu ninkaas I isagoo hadalka sii wata yidhi, nin sarkaala ayay dhagax ku dileen, waxa uu sheegay  baabuurkii lagu siday dadkaa la qabqabtay oo bacaad galay ayay ka daateen oo inay baxsadaan bay doonayeen, kadibna askar aan tababarnayn oo boliisiyo milataare (military police) – waa askartii loo yaqaanay Koofiyad Cas – ayaa baas mariyay, .
Ninkaa lagu magacaabo Maxamed  Cabdi Yuusuf si ula kac ayuu taariikhdii xasuuqii uu u marin-habaabiyay, si uu u difaaco gacan ku dhiiglayaashii dadkaa laayay.
Waxaan ninkaa xusuusinaya in taariikhdu markay ahayd 9/7/2008 in waraysi ku saabsan xasuuqaa Xeebta jasiira laga qaaday Gaashaanle  sare Ibraahim cali barre guulee Canjeex oo Joogay dalka suuriya, iyadoo lagu eedeeyay in xasuuqaa uu gaystay,
Waxa uu Canjeex sheegay in maalintii Jimce ee 14 bisha juulay gadood xoogan oo ilaa ka gees ka dhacay magaalada xamar, gadoodkaa oo dabada ku hayay baaq ay soo saareen kooxdii MANAFESTO, iyo dadweynihii caasimada oo gadood ka sameeyey xaaladii markaa taagnayd kana bilaabantay Masaajidadii sida Masaajidkii sheikh Cali Suufi,  Canjeex waxa uu sheegay in ciidamadii kala duwanaa kacdoonkaa damiyeen Halkaana lagu dilay Sarkaal isku hayb ay ahaayeen isaga iyo Siyaad barre,
Waxa uu canjeex sheegay oo daahfuray  amarka dadka lagu laayahay cidda  bixisay oo ahayd shan qof oo kalo ah:
  • 1. Maslax maxamed siyaad barre 2. Generaal duudhi, 3. Saciid mariino 4. General Girrin 5. Wasiirkii gaashaandhiga
Waxa uu Canjeex sidoo kale cadeeyay Dadka dilka fuliyay oo kala
  • 1. Diiriye Xirsi Taliyihii gaaska
  • 2. Axmednuur Xasan (dhegobacayr)
Canjeec waxa uu xusay isagoo nayrobi jooga sheeko dhexmartay isaga iyo darawilkii Baabuurka Baruunka ah ee dadka lagu laayay waday, oo la yidhaa aadan gaboobe waxa uu ka sheekeeyey sidii dadka loo laayay, nin kornayl ah ayaa diiday, dilka dadka oo  yidhi dadka la layn mayo, waagii ayaa ku soo dhawaaday siday u murmayeen, ka dib dhego bacayr ayaa ku yidhi askartii maxaydun sugaysaan laaya dadka, waxa uu

2 / 3
sheegay canjeex in meehs laguy waa bariistay sidii dadka loo laynayay, ka dibna bacaadka xeebta lagu aasayay,
 Dhinacaa hore aan soo xigtay waa masuulkii ugu sareeyay ee dawladii rajiimka ka tirsanaa, bal aan eego dhinicii dhibta loo gaystay,
Haddaba waxa mucjiso noqtotay ka dib markii uu xasuuqan daahfuray  Cumar Muuse isagoo ka mid ahaa dadkii la xasuuqay, Illaahay ka badbaadiyay falkan arxandarada ahaa,
Cumar Muuse oo ka hadlayay sidii waxa u dhaceen ayaa wuxuu yidhi “Waxa naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 tallaabo u jirtay, halkaasi oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah, kuwaas oo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Waxaan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaasi oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo mid kale oo Toyota ah, kaasoo uu saaran yahay qori Baroonka ah.” Cumar waxa uu intaas ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii lana geeyay xeebta jasiira koox koox la isugu xidhay, ka dibna si arxan-darro ah rasaas loogu furay. Cumar oo dhaawac ka soo gaadhay garabka ayaa isaga Illaahay ka badbaadiyay inkastoo gabi ahaanba intiii kale xataa maydkoodii aan cid la tusin.
Illaahay ha u naxariistee dadkaasi la gumaaday waxa kaliya ee loo aaneynayay waxay ahayd isirkooda uu Illaahay ka abuuray oo xukuumadii xilligaasi ugu tallo gashay in ay tirtirto, balse dhanka Illaahay aan laga aqblin oo ay ku guuldaraysatay,
Sida kor ku xusan, Waxaan cad in dadka lagu xasuuqay xeebta jasiira  dhamaantood waxay ahaayeen dad Rayida deganaa Caasimadii mogadisho, waxayna ka koob naayeen: Macalimiin Jaamacadihii soomaliaya bareyaal ka ahaa, Ganacsato, Arday dhiganaysay jaamacadihii muqdisho ku yaalay, Farsamo yaqaano lahaa geerashyada baabuurta lagu dayactiro, shaqaale dawladeed iyo qaar u shaqaynayay hayadaha caalamiga ah Sida USAID. Dadkaas waxa loo laayay isirkooda oo ahaa keliya in ay ka soo jeedeen Somaliland
Anigoo Ah Ali hassan maqaalkana qoray, waxaan ka mid ahaa xiligaa ardaydii dhiganaysay jaamacadii Gahayr gaar ahaan kuliyadii dhaqaalaha, dadka la xauuqay wax aka mid ahaa arday aanu isku fasal aahayn oo AUN la odhan jiray Baashe cabdillahi heebaan, Muddo ka dib waxa aanu u sheegnay Dean kii kuliyada dhaqalaha ardayga la dilay laga saaro liiska xaadisriska ee fasalkii aanu dhiganaynay, waanu naga aqbalay magacii Ardaygaa jasiira lagu dilay sidii ayaa looga saaray liiskii
Ninka la yidhaa maxamed cabdi yuusuf waxa cad inuu wax ka ogaa oo uu ka mid ahaa ragii dhagartaa maleegay, waxaana la horkeeni doonaa cadaalada waqti aan fogayn

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM