GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiye Ciro Oo Xukuumada Muuse Biixi Ku Eedeeyaay In Ay Bulshada Reer Somaliland Kala Qaybinayso

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) Ayaa Bartiisa Fbga Qoraal Uu Nuxurkiisu ahaa In Xukuumada Muuse Biixi Ay kala Qaybinayso Bulshada Walaalaha Ah Ee Reer Somaliland Isaga Oo Gudoomiyuhu Sheegay In Ay Ujeedaan Beel Gaar ah

Waatan Odhaahdii Gudoomiye Ciro

“Muuse, iyo gacan-yarayaashiisu waxa ay caadeysteen kuna soo celceliyaan in uu Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiiuba gacan saar la leeyihiin Soomaaliweyn, waxa aanu umadda u sheegaynaa in ay u adeegsadaan ku celcelinta arrintaa kala qeybinta bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland ee ay ahayd in ay mideeyaan.

Balse waxa aanu idiin sheegayaa in ay Muuse shakhsiyan u dheertahay arrintaas adeegsigeeda in uu ula jeedo beel gaar oo reer Somaliland ah, danta uu ka leeyahayna ay tahay kala haynta iyo kala qeybtina umadda reer Somaliland ee walaalaha ah, arrintaas oo sun iyo waabeeyo ku ah dowladnimadeeda, sida daxalkana u cuneysa qaranimadeena iyo wada jirka dadka” Gudoomiye Ciro

 

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodinews.com

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM