GAAROODI NEWS NETWORK

Safiirkii Hore Ee Dalka Jarmalka Amb Cabdifataax Oo Taageeray Musharaxnimada Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi + Muuqaal

Frankfurt(Gaaroodinews) Safiirkii Hore Ee Somaliland Ee Dalwaynaha Jarmalka Amb Cabdifataax Cismaan Cigaal Ayaa Munaasibad Balaadhan Oo lagu Soo Dhawaynaayay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Kusugan Dalka Jarmalka Oo Uu ka Qaybgalay Wuxuu Cod Dheer Kutaageeray Musharaxnimada Uu Dhawaan Shaaciyay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Kaasoo Sheegay Inuu Utaagan Yahay Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbul Xaafidka Kulmiye

Amb Cabdifataax Cismaan Cigaal Ayaa Sheegay Inuu Xilka Musharaxnimo Uu Uqalmo Siyaasi Maxamuud Xaashi Isla Markaana Uu Yahay Siyaasi Bisil Oo Dalka Somaliland Kasaari Kara Marxalada Uu Hada Kujirto

Amb Cabdifataax Cismaan Waxa Uu Dhaliil Dusha Kaga Tuuray Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Ahmed Cabdi Dheere Oo Uu Sheegay Inuu Xisbiga Kaga Tacab Badan Yahay Isaga Isla Markaana Uu Qaranka Somaliland Uu Dadaal Badan Galiyay Siyaasi Maxamuud Xaashi Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi Usoo Jeediyay Inuu Kadhabeeyo Balankiisii Ahaa Inuu Kudhaqmaayo Cadaalada Iyo Sharciga Oo Sareeya

Gabagabadiina Waxa Uu Amb Cabdifataax Cismaan Uu Fariin Udiray Dadwaynaha Reer Somaliland Ee Dalwaynaha Jarmalka Kaasoo Ugu Baaqay Inay Taageeradooda Lagarab Istaagaan Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi

 

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas:-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM