GAAROODI NEWS NETWORK

” Baaq ku Socda Ummada Reer Somaliland ” Aqoonyahan Mahamed Haybe

Hargeisa(Gaaroodinews)  Baaq ku socda umada reer somaliland:
Sida aynu wada ogsoonahay cudurkan sida xawliga ah ku faafaya, khatartana ah waxa uu saamayn wayn ku yeeshay dhaqaalahii aduunyada gaar ahaan caalamka warshadaha leh.
Maanta waxay dhimashada talyaanigu dhaaftay tobankun oo qof.
Hadaba muwaadin in yar oo waqtigaaga ah ma kor istaagtay, ilaahay inaguma keene, hadii cudurkani gaadho wadankeenii. Oo haba yaratee aan lahayn awood aynu kula dagaalano, sida aqoon caafimaad iyo dhaqaalaba. Hadaba inta ayna dhirbaaxadu inagu dhicin ayaan maskaxdayda yar is idhi bal la wadaag arintan, oo ah dadkeena qurbaha degenaw, maxaynu kala qayb gali karaa la dagaalanka corona virus. Dadkeenu waxay si xooga ugu kulmaan goobaha ganacsiga sida suuqyada, taas oo si sahlan kumanaan qof, mudo yar ay xanuunkan ku qaadi karaan. Waxa suura gala in dakhligii dawladu yaraado, dawladiina mushaharadii bixin kari waydo. Wadankeena oo inta badan lacagta qurba joogo diro ku socda, waxa maanta la inooga baahan yahay diyaar garaw ah: qofkastooba biilkii aad diri jirtay marka laga reebo ku talo gal, meelna u dhig lacag siyaada ah oo aad ugu talagshay qaraabadaada inta ugu dhaw, marka xaalku xumaado in aad ku caawiso. Arinkan aan ka hadlayaa waa arin muhiimadiisa leh, oo baahi imandoonta inaga daboolaya. Muwaadin ilaahay miisanka xasanaadka ha kuugu daree

Mohammed Haibe

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM