GAAROODI NEWS NETWORK

Sannad-guurada 37aad Ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa. Qormada 1aad:-Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Sannad-guurada 37aad Ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa. Qormada 1aad:-Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

11ka Abril 2020ka waxa ay ku beegan tahay sannad-guurada 37aad ee Hawlgalkii Badjeex: Hawlgal Cajiib ah oo ay halgameyaal SNM ah oo uu hormood u ahaa Mujaahid Ibraahin Ismaaciil Maxamed (Ibraahin Koodbuur) ay ku furteen Mujaahid Cabdillaahi Askar oo halkaas miiska saraakiisha maalmo ku xidhnaa. Alle ha u naxariisto labadooda iyo mujaahidiinta kale ee geeriyootay, inta noolna Eebbe maamuus ha ku nooleeyo.

Cabdillaahi Askar iyo Cabdisalaan-Turki ayaa ka soo laabtay Itoobiya, si ay hawlgal uga fuliyaan Hargeysa. Balse midkood ayay gacanta ku dhigeen ciidankii kacaanku. Waxa aynu qormadan ku eegi doonnaa imaatinkii gudaha ee Marxuun Cabdillaahi Askar iyo Cabdisalaan-Turki, sidii loo qabtay Cabdillaahi Askar iyo sidii loo bilaabay qabanqaabada qorshihii lagu furtay Cabdillaahi Askar.

Imaatinkii Gudaha Ee Cabdillaahi Askar iyo Cabdisalaan Turki

Danjire Kaysar Maxamed Wasiir ku-xigeenkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliand, ayaa ka warramay sidii ay dalka u soo galeen Turki iyo Cabdillaahi Askar, xilligii Cabdillaahi Askar la qabtay iyo ujeeddadii ay u socdeen. Maqaal uu Mujaahid Kaysar qoray oo la yidhaahdo “Furashada Boqorkii Shinnida” ayaa u dhignaa sidan:

“Waxay ahayd dhammaadkii sanadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq-u-dirirka ahaa ee ururkii SNM, xilligaas waxaa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ay ujeedadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hor tago xukuumaddii halligantay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa wixii loo yaqaannay goballada waqooyi xilligaas.

Si haddaba uu ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debadda ahba, una muujiyo awooddiisa ayaa waxa uu go’aansaday in uu hawlgallo milatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxaana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo gudaha dalka ay ujeeddadiisu ahayd naafaynta cadawga, argagax-gelinta dawladda iyo muujinta la muujinayay in aan shacbiga gobollada waqooyi marnaba raalli ka ahayn xasuuqa iyo xad gudubka ay xukuumaddii Siyaad Barre ku haysay shacbigeedii miskiinka ahaa.

Haddaba Ururkii SNM waxa uu go’aansaday inuu tallaabooyin milatari ku fuliyo qaar ka tirsan madaxdii dhagar-qabayaasha ahaa ee shacbiga xasuuqaysay, waxaa markaas SNM ay gudahii dalka usoo dirtay saraakiil milatari oo SNM ka tirsanaa.

Bishii Disembar ee sannadkii 1982kii ayaa waxaa Tuulaha Gaashaamo oo Bariga Itoobiya ku taalla ay SNM ay kasoo dirtay laba sarkaal oo kala ah: Mujaahid Cabdisalaan-Turki Maxamuud oo imika dalka UK ku nool iyo Mujaahid Cabdillaahi Askar Barkhad oo 2010kii ku geeriyooday Hargeysa.

Waxa labadaas sarkaal ee naftood hure ay soo mareen dhulka hawdka ah, waxaana ay dhinaca koonfureed kasoo galeen Magaalada Burco, muddo gaaban kaddibna waxay usoo dhaafeen dhinaca magaalada Berbera, iyaga oo markii danbana usoo gudbay Magaalada Hargeysa. Ujeeddada ay labadaas sarkaal Hargeysa u yimaaddeen waxay ahayd laba ujeeddo oo kala ah:

A. Inay isku habeeyaan oo isku dubba-ridaan saraakiishii ciidanka dawladda ku dhex jiray ee ay filayeen inay dawladda kasoo horjeedaan, iyaga oo waliba bar tilmaameed ka dhiganayay inay qaddiyadda SNM ka dhaadhiciyaan saraakiishii milatariga ahayd ee asal ahaan kasoo jeedday beelihii taageeri jiray ururkii SNM.

B.Ujeeddada kale ee ay u socdeen labadaas sarkaal waxay ahaayeen inay khaarajiyaan taliyihii qaybta 26aad ee waagaas oo ahaa Gen. Maxamed Xaashi Gaanni oo dhawaan dalka Kenya ku geeriyooday.

Haddaba muddo afar bilood ku dhow markii ay magaalada Hargeysa ku dhuumaalaysanayeen ee ay hawlahoodii si fiican oo qarsoodi ah ay u wadaan, laba habeenna ay ka hadhsan tahay inay khaarajiyaan Maxamed Xaashi Gaanni ayaa nasiib-darro dhacday oo waxa ay Dawladdu si lama-filaan ah ay gacanta ku dhigtay Muj. Cabdillaahi Askar Barkhad, taariikhduna waxay ahayd 8dii bishii Abril ee sannadkii 1983kii”

Muddada u dhexaysa qabashada Cabdillaahi Askar iyo soo-gelitaankoodii dalka waxa ay Turki iyo Askar joogeen guriga Mujaahid Ibraahin Koodbuur, halkaas oo ay si qarsoodi ah ugu noolaayeen.

Xaaskii Mujaahid Ibraahin Koodbuur Marwo Khadra Xasan Yuusuf oo si gaar ah uga warramaysa xidhiidhkii ka dhexeeyay Ibraahin Koodbuur iyo Cabdillaahi Askar intii aan la jabsan xerada Birjeex waxa ay tidhi “Intii aanu dhicin hawlgalka uu Ibraahin kula baxayo Cabdillaahi Askar, waxa dalka illaa laba bilood ka hor soo galay Cabdillaahi Askar iyo Cabdisalaan Turki, sidii labadaas Mujaahid loo soo waday waxa la keenay gurigaygii oo ay joogi jireen.

Markii aan arkay barnaamijyada taariikhiga ah ee laga diyaariyay hawlgalkii ay Ibraahin Koodbuur iyo raggii la socday kula baxeen Cabdillaahi Askar, waxa aan ku arkay waxyaabo badan oo qaldan. Haddii uu qofku dhintay oo aanu joogin, dee annaga ayaa goobjoog ahayn. Ibraahinna IHU wax uu iga qarin jiray oo aanan ogeyni ma jirin. Turki markii uu dalka soo galay waxa uu joogay gurigayga. Cabdillaahi Askar waxa loo yaqaannay “Cawil” isna gurigayga ayuu joogay. Iyaga ayaa ugu magac weynaa raggii markaas guriga joogay.

Xitaa waxa jirtay mar walaalkay oo Axmed Xasan Yuusuf la yidhaahdaa uu Sucuudiga ka yimi. Markii uu Ibraahin ka soo qaaday garoonka diyaaradaha waxa uu keenay guriga. Waxa aan ku idhi “Ibraahinow, innagii ayaa biime ku jirna, walaalkayna qoys dhan ayuu indho u yahay. Guriga ha keenine, gee hudheel. Waayo waa halis haddii la inagu qabto”. Waxa uu yidhi Ibraahin “Ninka ii seeddiga ah ee aan soo qaaday anigu meel kale ma geyn karo”. Walaalkay waxa uu dhex fadhiyi jiray Cabdillaahi Askar iyo Cabdisalaan Turki.

Weliba xilligaas walaalkay ma garanaynnin ragga uu guriga la joogo, waayo magacyo kale ayaa loogu yeedhi jiray, Ibraahinna wuxuu ugu sheegay niman ay saaxiib yihiin oo waxbarasho dibadda ah ka yimi. Anigu intaas wadnaha ayaan farta ku hayay. Noloshayda waxa aan geliyay biime oo werwer kama qabin, waxa aan is-odhan jiray “Billee ayaad walaalkaana galaafataa”. Cabdisalaan Turki xaaskiisu waxa ay ugu iman jirtay guriga, way kulmi jireen, wada joogi jireen.

Cabdillaahi Askar xaaskiisu waxa ay ogeyd iyada oo loo diray waxbarasho dibadda ah. Waxa ay u iman jirtay Ibraahin Koodbuur iyada oo rabta in ay ka xaal-waraysato saygeeda (Cabdillaahi Askar). Iyada oo tacliintaas qurbaha ah ku og ayuu Cabdillaahi Askar soo laabtay, waxa uu ka degay Jabuuti. Halkaas ayuu uga tallaabay furimihii halganka, markan uu gudaha soo galayna xaaskiisu ma ay ogayn.

Cabdillaahi Askar xaaskiisa oo Kinsi Muuse la yidhaahdaa, waxa ay u iman jirtay Ibraahin Koodbuur iyada oo rabta in ay ka xaal-waraysato saygeeda iyada oo markaas haysatay saddex carruur ah. “Ibraahinow beryahaas ninkii wax war ah kama heline, maxaad war ka haysaa?” ayay odhan jirtay. Wuxuu markaas Ibraahin ku odhan jiray “Ninki wuu ladan yahay, waanu bed-qabaa oo caafimaad-qabaa. Meel Heblaayo ayuu joogaa”.

Cabdillaahi Askar marka ay xaaskiisu timaaddo inta uu kaco ayuu daaqadda ka daawan jiray. Anigu uma aqoon Cabdillaahi Askar magaciisa, waxa aan odhan jiray “Muxuu Cawil gabadhiisa uga daawadaa daaqadda?”. Wuxuu Ibraahin odhan jiray “Waa xaaskiisii, mana oga in uu joogo. Haddii ay ogaato ama loo sheego in uu joogana waxa uu ka baqayaa in ay wax fashilmaan. Haddii ay timaaddo oo aan maqanahay ha la hadline u sheeg in aan maqanahay. Haddii aan joogana aniga ayaa u warrami’e, adigu sheeko kale ha u gelin”.

Haddaba sidee ayuu Mujaahid Ibraahin Koodbuur ku ogaaday in la qabtay Cabdillaahi Askar? Sidee ayuu se uga murugooday in Cabdillaahi Askar u gacan-galo ciidankii rajiimka? Maxaa uu qorshe ama talagal ka sameeyay sidii loo badbaadin lahaa halgamaaga ay nacabku gacanta ku dhigeen?. Yaa lahaa gaadhigii uu Ibraahin Koodbuur hawlgalka u adeegsaday?

Marwo Khadra Xasan Yuusuf oo falkaas naxdinta leh ka warramaysa ayaa waxa ay tidhi“Habeenka la qabanayo Cabdillaahi Askar waxa soo noqday Ibraahin, Cabdisalaan Turki iyo askartii kale ee guriga joogi jirtay. Waxa aan imannin Cabdillaahi Askar oo aanu Cawil u naqaannay. Ibraahin ayaa igu yidhi “Caawa Cawil hawl ayuu galay. Habeen dambe ayuun buu imanayaa idanka Alle”. “Waa hagaag” ayaan idhi. Markii aanu habeenkii seexannay waxa hiirtii waaberi abbaaro 05:00tii illaa 06:00dii arooryo nagu soo garaacday albaabka Marxuumad Mako Xaaji Axmed Qulunbe oo ahayd xaaskii Marxuun Xasan Saleebaan labadoodaba Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiyo’e.

Mako waxa ay tidhi “Khadraay, raggi ma dhan yahay?”
“Maya’e, Cawil baa maqan” ayaan ku idhi.
“Nin baa la qabtay oo daantaas lagu qabtay. Ibraahin mee?” ayay igu tidhi
Waxa aan ku idhi “Waa uu jiifaa”

Qolkii uu hurday ayay soo gashay, kaddibna Ibraahin inta ay cagta ka qanjiidhisay ayay tidhi “Ibraahinow, nin ayaa la qabtay”. Anfariirkii inta uu booday oo uu sariirta ku istaagay ayuu macawistii qabsaday, kaddibna waa uu muusannaabay. Isaga oo calaacalaya ayuu yidhi “Tollaay waa Cawil”.

Illaa maalintaas sidii uu guriga uga booday Ibraahin ma seexan, mana fadhiisan, cunto fiicanna ma cunin, mana nasannin. Intaas waxa uu lahaa uun “Sheekh Isaxaaq wax wuu qaban”. Marka aan ku idhaahdo “Waar ninkii halkee ayuu ku jiraa?”. Waxa uu odhan jiray “Ninkii waa la dilayaa, waxa uu ku jiraa xabsiga”.

La soco qaybta 2aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM