GAAROODI NEWS NETWORK

Sannad-guurada 37aad ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa. Qormada 2aad.

Gaaroodi News (Hargeisa )Sannad-guurada 37aad ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa. Qormada 2aad.

Xog-warranka Mujaahid Axmed Axmed Mire Maxamed Nuux iyo Marwo Khadra Xasan Yuusuf Xaaskii Mujaahid Ibraahin Koodbuur..

Xaaskii Mujaahid Ibraahin Koodbuur Marwo Khadra Xasan Yuusuf ayaa ka warramaysa hannaankii uu Ibraahin Koodbuur u amba-qaaday fulinta hawlgalkii Miiska Saraakiisha, sidii ay u diyaargaroobeen iyo sidii ay ku ogaatay in weerarkaasi dhacay.

Khadra ayaa tidhi “Habeenkii dambe isaga oo aan Ibraahin lahayn ilaalada xerada ayuu ninkii shaqada lahaa ka beddeshay. Waxa uu iisoo diray nin tagsiile ah, waxaanu ku yidhi “Axmed-Sayidow, gurigii iiga soo qaad cunto, go’ iyo agab kale. Shaqadii ayaan galaye, Khadrana u sheeg”. Habeenkaas Ibraahin shaqada uma gelin in uu ilaalada galo, waxa uu u galay in uu diyaarsado wixii uu ku fulin lahaa hawlgalka uu rabo in uu fuliyo ee hub iyo saanad ah.

Wixii uu agab iyo aalad u baahnaa oo dhan ayuu habaystay oo heensaystay. Ma garanayo in habeennada Cabdillaahi Askar meesha lagu hayay in ay ahayd saddex ama afar habeen. Muddadaas 3da ama afarta habeen ah ee Cabdillaahi Askar la-haystaha ahaa waxa uu Ibraahin ku jiray orod iyo dejinta qoondihii uu ku furan lahaa Cabdillaahi Askar.

Ibraahin gaadhi ma haysan, saacadihii u dambaysay ee uu rabay in uu la baxo Cabdillaahi Askar waxa noo soo galay nin la yidhaahdo Haliil, oo watay xaajiyad cusub
“Haliilow xaajiyadda isii” ayuu Ibraahin yidhi
Haliilna waxa uu yidhi “qof ayaan ka soo qaatay”
“I sii, caawa ayaan kuu soo celinayaa” ayuu Ibraahin yidhi

Sidii ayuu Ibraahin kaga qaatay Haliil xaajiyaddii, waxaanu siiyay qorigiisii iyo go’ shaal ah. Sidii ayuu Haliilna ku tegay. Ibraahin markaas wuu lebbisnaa waxa uu xidhnaa dharkiisii ciidanka ee derejada lahaa. Anigu waan raacnay waxaanan kaga degay cusbitaalka guud oo ay walaashii ku jirtay, “Ina keen, waxa aan u tegayaa Aamina” ayuu yidhi. Halkaas ayaan kaga hadhay, waxaanu igu yidhi “Waxa aan tegayaa xuskii (feestadii) ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed”.

Marwo Khadra Xasan Yuusuf, waxa ay tilmaamaysaa sidii uu Ibraahin uga tegay, sidii ay ku dareentay in hawlgalkii la fuliyay, habkii ay gurigeeda ugu soo laabatay iyo sidii magaaladu noqotay Kolkii Miiska Saraakiisha la jebiyay. Waxa ay tidhi “Waxa ay ahayd 12kii Abril, habeenkii waxa la rabay in Cabdillaahi Askar oo qaawan lagu daawado tiyaatarka Hargeysa, kaddibna subaxana la toogto. Qorshaha Ibraahinna waxa uu ahaa in uu habeenkaas la baxo Cabdillaahi Askar, aniga laakiin iima uu sheegin in uu hawlgalkaas fulinayo.

Walaashii ayuu ku yidhi “lacagtaas qaado, inantaada yar ee ku haysaana yaanay kaa tegin”. Anigana waxa uu igu yidhi “Isii sug, waan kugu soo laabanayaa”. Aniga oo halkii fadhiya ayay rasaastu is-qabsatay, kaddibna waxa aan ku idhi “waa xuskii ciidanka ee 12ka Abril”. Haddana way sii badatay, anigana waxa ii yimi nin tagsiile ah oo ah Axmed-Sayid la yidhaahdo “Ina mari aniga ayuu Ibraahin ii soo kaa diraye” ayuu yidhi.

Waxa aanu soo marnay magaaladii oo la wada xidhay. Waxa la sheegay in miiskii saraakiisha la weeraray oo nin maxbuus ahaa la furtay. Judhiiba waxa aan niyadda ka gartay in ninka la furtay uu yahay Cawil (Cabdillaahi Askar), waxa kale oo aan maleeyay in uu hawshaas ku jiro Ibraahin Koodbuur. Xaggii guriga ayaan u soo cararay bal si aan wiilkaygii uga war hayo. Magaaladii oo wada bandow ah ayaanu ka soo gudubnay.Waxyar kaddib waxa ii yimi Haliil oo leh “Ibraahin iyo gaadhigi ma soo noqdeen?”. Waxa aan ku idhi “waxa la sheegayaa in nin xidhan la furtay, in uu qayb ka ahaa baan filayaa, lafahaaga la baxso. Yaan lagu arkin”.

Walaw ay joogeen saraakiil badan oo Isaaq iyo cid kaleba lihi, Ibraahin waxa uu ahaa ninka keliya ee Gaanni ku yidhi “Ninka haashka ka daa oo xabbad ku dhufo”. Markaas waa la xidhay Ibraahin, laakiin waa la soo daayay. Gaanni waxa uu Ibraahin Koodbuur siiyay lacag xaal-marin ah dhan konton kun oo shilin, taasna wuxuu ka dhigtay shidaal, sahay iyo qarash uu hawlgalka ku galo.

Hawlgalka waxa qorshihiisa lahaa Ibraahin, ragga la fuliyayna waxa ka mid ahaa ahaa Cabdisalaan Turki oo ay Cabdillaahi Askar gudaha u soo wada galeen in ay hawlgal fuliyaan. Ragga guud ahaan ka qayb qaatayna waxa ay ahaayeen kow iyo toban nin oo Ibraahin madax u ahaa. Waxa se dhacda in aan saxaafadda ka arko rag aan furashada ka qayb galin oo warbaahinta ka sheeganaya in ay door ku lahaayeen. Kani wuxu ahaa midkaas sida degdegga ah u dhacay”

Sidee SNM Uga Naxday Qabashada Cabdillaahi Askar?
Haddii taxaabiddii Cabdillaahi Askar ay murugo ku ahayd halgameyaashii SNM ee gudaha joogay iyo shacbiga dalka ku nool, waxa ay waran iyo fallaadh kale ku ahayd geesiyaashii ku sugnaa jiidaha Itoobiya. Fashilka hawlgalkii uu waday, libinta kacaanku sheeganayo, bahdilaadda loo geystay iyo fadeexadda ka raacaysa in sarkaalkani gacanta nacabka galo ayaa dhabar-jab ku ahayd.

Haddii aan gudaha laga furan lahayn, waxa la dejinayay xeeladdii lagu diri lahaa ciidan Itoobiya ka taga oo furta Cabdillaahi Askar. Didmadii SNM ka qaadday gacan-galka Cabdillaahi waxa faahfaahinaya Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo markaas ku sugnaa Itoobiya.

Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo ka hadlayay xuskii 29aad ee Hawlgalka Birjeex loogu qabtay magaalada Landhan, laguna unkay urur samafal oo loogu magac-daray Ibraahin Koodbuur ayaa ka warramay sidii Cabdillaahi Askar ugu tallaabay gudaha, wixii ay dareemeen markii la qabtay, sidii uu ku ogaaday furashadiisa iyo milgaha aan duugoobin ee laga dhaxlay furashada Miiska Saraakiisha.

Axmed Mire Maxamed waxa uu ahaa hoggaamiyaha dagaalkii SNM ku soo gashay magaalada Burco 27kii Mey 1988kii, ee sababay in xididdada loo saaro nidaamkii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu hadda ku nool yahay carriga Ingiriiska, waxaanu ka mid yahay ragga ugu magaca weyn garabkii Milatariga SNM ee maanta nool.

Mujaahid Axmed Mire waxa uu yidhi”Hawlgalka aynu xusaynnaa waxa uu soo nooleeyay taariikhdii SNM. Cabdillaahi Askar waxa uu igu soo maray Jigjiga, labadayada oo keliya ayaa wada fadhiisannay. Ilaahay ha u naxariisto’e waxa uu i weydiiyay talooyin fara badan. Markii aan wax badan uga jawaabay, dareenkaygu Kolkii dambe waxa uu is-weydiiyay ‘Niyaw Cabdillaahi waa kan tegaya’e, tolow miyuu kula dardaarmayay?’.

Si wanaagsan oo qalbi furan ayaanu isu maca-salaamaynnay, si fiican ayuu u u ambabaxay. Gaashaamo ayuu tegay, halkaas ayuu dalka galay. Wuxuu u socday in dadka gudaha baraarujio. Wuxuu u socday in uu halganka gudaha iyo dibadda isku xidho. Wuxuu u socday in ummadda dareenkeeda kor loo qaado. Wuxuu u socday hawlgal la-yaab leh oo jebiya cadawga.

Maalinna waa maalintaada, maalinna waa maalin kaa jeedda. Waxa si nasiib-darro ah u dhacday in Cabdillaahi la qabto, oo cirka looga imanne uu dalka gudihiisa gudihiisa ku gacan-galo. Laakiin ta ayaan-darrada ahi waxa ay ahayd in Cabdillaahi oo ahaa hoggaamiyihii hawlgalku uu ku dhaco gacantii cadawga. Naxdin bay ahayd, naxdin weyn bay ahayd. Markii la ii soo sheegay waxa joogay Baabuli, waxaanan gacanta ku hayay ciidamadii ugu badnaa ee SNM ee tababar gala. Ciidankii ayaan ka soo dhex baxay, waxaanan tegay gurigaygii. Markii aan xafiiska u jiray laba tallaabo ayuu qalbigi ii soo noqday.

Waxa aan idhi “Cabdillaahi haddii uu dhintana malaggiisii ayaa galay. Haddii kalena Allaha weyn ayuun baa ka soo saari doona. Waxa aad halkan u timaaddeenna waa inaad naftiinna hurtaan”. Markaa anigu ma diiddanayn dhimashada Cabdillaahi, ee waxa aan diiddanaa in cadawgu gacanta ku qabto. Markiiba waxa aan u dhaadhacay Herer, waxaanan soo jeediyay in la tabaabusheeyo ciidan soo furta Cabdillaahi Askar. Hawshaas ayaa la bilaabay. Waxa kale oo uu cadawgu inagu waday dacaayad xooggan, waana la ina kala qaybinayay. Nabadsugidda Kacaanku waxa ay ka shaqaynaysay in Hargeysi ay xaafad-xaafad iyo jilib-jilib noqoto, dadkana la collaysiiyo, oo midnimada dadka ayaa la wiiqayay.

“Reer Hebel waa faqash. Hebel waa caynkan. Kani waa basaas” inaga ayaa naxli la ina kala gelinayay si aan qofna qof u aamminin. Si aan midnimadeennu u adkaan oo aan cadawga looga adkaannin. Waayo, cadawgu waxa uu arkayay in midnimadeennu ay jabkiisa tahay. Halgankaasi wuxuu yeeshay qiimayn badan.

Markii ay taararka isu dirayeen waaynu dhegaysanaynnay, wixii ay isu gudbinayeen oo dhanna gacanta ayaanu ku haynnay. Waxa ay ku faanayeen in ay halbawlihii SNM qabteen. Waxa ay ku tookhayeen in ay soo bandhigi doonaan oo Hargeysana lagaga baaqay, Xamarna la geyn doono. Kii aanu isaga soo qaban lahayn ayuu Cabdillaahi u gacan galay.

Markiba waxa lagu sameeyay jidhdil, laakiin nin Ilaahay aamminsan oo garanaya waxa uu u socdo ayuu ahaa. Si kasta oo loo jidhdilayna marnaba lagama helin erey sir oo SNM iyo halgankeenna ku lid ah. Si kasta way isugu deyeen in uu wax sheego, waanay ku celceliyeen. Laakiin waxa ay lahaayeen “ninkani wuu noo bixi waayay” waana la garaacayay illaa uu miyir-doorsamay. Waxa uu Ilaahay qaddaray in ay is-abaabuleen unugyadii SNM ee gudaha joogay oo uu markaas hoggaaminayay Ibraahin Koodbuur, ku-xigeenna uu u ahaa Cabdisalaan-Turki. Waxa la hawl-galay rag iyaguna saraakiil ahaa, laakiin xagga cadawga ka qornaa saraakiil-ku-xigeen una qalmayay sarkaalnimada. Hadhcad ayay iyada oo gabbal-dhac ah galeen. Goobtii waxa ku geeriyooday Mujaahid, Mujaahid kalena wuxuu ku geeriyooday Xarshin. Intoodii kale waxa ay ku soo tallaabeen nabadqab.

Halkii aan maalintii taagnaa aniga oo taagan ayay niman Saraakiil ah oo Itoobiyaan ah oo ordayaa ii yimaaddeen “Cabdillaahi waa la soo furtay”. Waxa aan idhi “Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar” halkiina waxa aan ku tukaday laba rakcadood oo mahad-naq ah “salaatu-shukri”. Waxa aan mahad u celiyay Allihii weynaa ee ka soo furtay gacantii cadawga.

Waxa xus leh in xubnihii hawlgalkaa fuliyay ay burburiyeen dacaayadihii suuqa ku jiray ee ay ka midka ahaayeen “Reer Hebel dagaalka kuma jiraan. Hebel waa faqash. Hebel wuxuu neceb yahay hebel. Ma midoobi karaan”. Wixii oo dhan ayaa beenoobay, waxaanay noqotay guul lama illaawaan ah. Kuwii Cabdillaahi Askar ka sugayay Xamar way qaadan waayeen “Sidee ayay ku dhacday? Ha la baadho. Rag ha loo dilo”. Marba waxbay lahaayeen.

Waxa ay ka mid tahay taariikhaha inoogu naxdinta badnaa, haddana inoogu farxadda badnaa. Waxa ay muujisay midnimadeenna, isku duubnideenna, dhiiggeenna, dedaalkeenna iyo aamminsanaanta mabda’eenna. Qaar badan oo ka mid ahaa raggii hawlgalka fuliyay ayaa geeriyooday IHUN, laakiin waxa ay ka tageen taariikh weyn oo ubadka ubadkiisu dhaxlayo”

La Soco Qaybta Saddexaad idanka Alle.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM