GAAROODI NEWS NETWORK

“Shacabka Somaliland Waxaan Ugu Baaqayaa Inay Ka Istaagaan Tagida Masaajidada Mudada Xanuunku Inagaga Baxaayo ” Sheekh Saleebaan Siciid Cali

Hargeisa(Gaaroodinews) Sheekh Saleebaan Siciid Cali Ayaa Ugu Baaqay Bulshada Reer Somaliland Inay Isgarab Taagaan Gudida Kahortaga Cudurka Corona Viruse Isla Markaana Ay Uhogaansamaan Talooyinka Iyo Awaamiirta Gudida

Sheekh Saleebaan Sidoo Kale Waxa Uu Bulshada Reer Somaliland Ugu Baaqay Inay Tagida Masaajidada Hakiyaan Intuu Jiro Xanuunku

Siyaasi Sheekh Saleebaan Siciid Cali Oo Bartiisa Uu Bulshada Kala Xidhiidho Ee Facebook Bulshada Kala Wadaagay Fariintan  Waxa Uu Hadalkiisa Udhigay Sida Tan :-

” Sidaynu wada ognay waxaa jira xanun dhaman calamku ka qayliyey mid awod badan oo dhaqalihisu dhisan yahay iyo mid aan awod badan lahayn dalken xanunkasi wuu soo gadhay dad rer somaliland ahna waa laga helay sida uu u faafayna way fududay isaga oo ku dhacaya kolay cidii illahay u qoray dawlada somaliland waxay leeday gudi qaran oo arinta ka hortaga qaabilsan gudidaa waxaa marka hore la gudbon shacabka iyo dhaman cidkasta oo muwadin ah in la garab istago arinka gudida ay u yihin ma ah mid siyasaded oo cid gaar ama axsabta qusaysa shaqada ay wadan waa dan guud marka in la saxo iyo in la toosiyo waa gar waan arin ay xaq u leeyihin mudan kasta iyo dhaman dadka tala qabenka ah ee rer somaliland arinkod kii TV laga wada hadlayey ma ah ama shaqada ay hayn qoxfkii talo ku kordhinayaa waa inuu goobta ay jogan si lexo jeclo leh waa inuu ugu gudbiyaa taasi waa mid ta kale ee aan shacabka somaliland la wadagi lahaa waxa weyi ee manta darenkedu tagan yahay waa arinka masjidada iyo cibadadii la wada gudanayey shalay arinkas waxad ka arkaysay khudbadii m/waynaha wad ka daremaysay lakin wali waxan meel cad ka istagin fadwana ka soo sarin culimada dalka iyo waliba wasarada awqafta oo ay tahay shaqadedii amarka xidha masajidada iyada iska leh M/wayanah iyada uga wakiil ah sabab culimo loo ururiyo ma jirto oo madaxtoyada loo geeyo wasaradu shaqadeda ha qabsato fadwana ha soo sarto waliba shacabka somaliland waxan ugu baqayaa inay ka istagan tagida masajidada mudada xanunku inaga baxayo wayo? Salada jamaca waa laga joogayaa haddii roob badani dayo waxana mu,adinku aadanka kudarayaa ku tukada guryihin haddii uu roob cuduri dayo looma bahna in masjidada la tago marka faral iyo suna waa isku mid imika sucudiga oo culimada jogta aqontodada aad ogtay iyo sida uu cilmigodo u dhisan yahay 2 bilod masjid laguma tukan intas ayan galabta timami lahaa

Waanad mahad santin dhaman ” Sheekh Saleebaan 

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodinews.com

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM