GAAROODI NEWS NETWORK

Qaarkamida Siyaasiyiinta Beesha Garxajis Ee Kasoo Jeeda Xisbiga Kulmiye Oo Uyeedhay Gudoomiyaha Saab Tv + Maxayka Wada Hadleen + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Siyaasiyiin Waawayn Oo Kasoo Jeeda Beesha  Garxajis Isla Markaana Qaarkood Ay Xilka Hayaan Xukuumada Haatan Ee Kulmiye Ayaa Munaasibado Soo Dhawayn Ah Waxay Usameeyeen Gudoomiyaha Tvga Saab Ee Somaliland Saxafi Abwaan Cali Raabi Cali Seenyo Oo Mudooyinkii Udanbeeyay Kusugnaa Dalka Jabuuti

Munaasibadahan Soo Dhawaynta Ah Ayaa Ahaa Qaar Casho Sharaf Ah Maadaama Oo Lagu Jiro Maalmaha Barakaysan Ee Ramadaan

Waxaa Kamid Ah Masuuliyiinta Uyeedhay Abwaan Cali Seenyo Lataliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir  Cukuse Ex Wasiir Maxamed Caraale Duur Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere Wasiirku Xigeenka Maaliyada Muuse Selef Iyo Masuuliyiin Kale

Hadaba Waxa Iswaydiinta Lihi Waxa Weeye Ujeedada Kadanbaysa Kulankan Ay Qaarkamid Ah Madaxda Garxajis Ee Kasoo Jeeda Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye   Ayla Yeesheen Mulkiilaha Tvga Saab

Sida Lawada Ogsoonyahay Tvga Saab Iyo Gudoomiyahooduba Waa Mucaarid Uxuubsiibtay Mucaridnimo Laguna Tiriyo Inuu U Adeego Siyaasada Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani

Wararka Kasoo Baxaaya Kulanka Ayaa Waxa Ay Sheegayaan Kulankani  Inuu Daarnaa Taageero Ay Masuuliyiin Tvgan Iyo Maamulkooda Kuxidhan Ay Uraadinaayaan Taageerado  Xag Dhaqaale Ah Oo Loo Helo Tvgan

Sidoo kale Waxaa Jira  Sababo Kale Oo Qarsoon Oo ilaahada Bulshadu Aanayka Warhayn

Tvga Saab Ayaa Waxaa Aasaasay Abwaan Cali Seenyo Oo Xukuumadihii Kala Danbeeyay Ee Xisbiga Kulmiye Mucaarad Ku Ahaa  Masuuliyiintan Kulanka Layeeshay Cali Seenyona Dhamaantood Waa Xisbiga Kulmiye Marka laga Reero Siyaasi Duur Oo Lagu Dhex Arki Jiray Xisbiga Waddani Balse Markii Dambe Uxuubsiibtay Xukuumada

Kulankan Ayaa Sabab Unoqon Kara Inuu Abwaan Cali Seenyo Iyo Tvgiisu Ay Uxuubsiibtaan Muxaafidnimo Iyo In Siyaasada Xisbiga Kulmiye Uu Ujanjeedhsamo Tvga Saab

Wararka kale Ee Kasoo Kordha Kulankaasi Wuxuu Daarnaa Kala Soco Gaaroodinews

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM