GAAROODI NEWS NETWORK

Dr. Maxamed Biixi & Dr Maxamed C/Laahi Cumar Oo Ka Hadlay Shirkii Jabuuti Iyo Danaha Beesha Caalamka Ee Ku Hoos Jira

Hargeysa (Gaaroodinews):-  Siyaasiyiinta kala ah Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Maxamed Biixi Yoonis oo isaga dambeeyay Xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland ayaa ka hadlay faraqa u dhexeeya Wada-hadalladii dhawaan Jabuuti ku dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya iyo kuwii Turkiga iyo UK Gadh-wadeenka ahaayeen ee hore u qabsoomay.

Maxamed Biixi Yoonis iyo Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ka warramay Aragtooda la xidhiidha kala duwaanshiyaha Wada-hadallada cusub iyo kuwii hore, waxa kale oo ay si Cilmi ah uga hadleen Aragtida Beesha Caalamka ee Wada-hadallada, ujeeddooyinka Shirarka loo qabto iyo danaha Beesha Caalamka u qarsoon.

Labada Maxamed oo lagu Waraystay Barnaamijka Kalka Baadhista ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa mid mid u sheegay waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Shirarkii hore iyo kan u dambeeyay ee dhex maray.

Maxamed Cabdillaai Cumar oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi

“Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee cusub wuxuu kaga duwan yahay Wada-hadalladii hore, marka koowaad Wakiillo cusub oo Caalamka ka socda ayaa arrintan imika wada oo hindiseheeda iyo hawsheedaba gacanta ku haya oo Maraykanku ugu mudan yahay, Itoobiya oo la shaqaynaysa iyo Midowga Yurub, Jabuuti hore ayay ugu jirtay, Shirna hore ayay ugu qabatay Somaliland iyo Soomaaliya, Arrimaha Soomaalidana Jabuuti khibrad dheer ayay u leedahay, markaa Muruqaa cusub ee Maraykanku wuxuu soo  kordhinayaa qiyaastayda Muruq diblumaasiyadeed oo xoog badan, waxa kale oo Maraykanka la socda Muruq kale oo xagga dhaqaalaha ah, Waayo? Hay’adaha waaweyn ee xagga dhaqaalaha sida Baanka Adduunku waxay diyaarinayaan Barnaamij lagaga soo kabanayo dhaqaale xumadii ku dhacday Somaliland iyo Soomaaliya oo la doonayo wax lagaga qabto, markaa waxaad mooddaa halkaana in Muruq dhaqaale uu wato Maraykanku.  Qodobka saddexaad waxa weeyaan, Bisayl baa iiga muuqda imika labada Geesood hoggaankooda, siday wax u wadaan, dhiiranaan baa iiga muuqata iyo Waayo-aragnimo laga qaatay Wada-hadalladii hore iyo Arrimihii hirgeli waayay.”

Maxamed Cabdillaahi Cumar wuxuu sheegay in natiijada laga sugayo Wada-hadallada soo socdaa ay ku xidhnaan doonto Kalsoonida la sameeyo “Wax walba waxay ku xidhnaan doonaan Arrimaha Kalsoonida dhisaya ee ay Wada-hadallada ku bilaabeen, kuwaasi oo ay Guddiyo gaar ahna u sameeyeen, xagga dhaqaalaha leh ama arrimihii la isku hayey ee Maamulka Hawada sare leh, iskaashiga xagga amniga iyo Maalgeshiga. Haddii ay Arrimahaasi si wacan u hirgalaan waxay wax ka tari doonaan in lagu dhiirado arrimo faro badan oo Masiiri ah oo labada Geesoodba ka dhexeeya oo aad looga Maagi jiray.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo sharraxay Mowqifka Beesha Caalamka ee Wada-hadallada “Beesha Caalamku hore ayay u caddaysay Mowqifkeeda Wada-hadalladani, waana in Soomaalidu iyagu wada-hadlaan, Mustaqbalkooda iyo danahooda ha ka wada-hadlaan, Caalamkuna wixii Gacan ah ee uu ka geysanayo haka geysto, halka ay (Wada-hadalladu) ka bilaabmeen illaa haddana ay ku meeraysanaysaa waa halkaa.”

Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa kale oo uu faahfaahiyey Dano siyaasadeed oo ku dhex jiray Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “Labadii Goor ee la isku dayey in arrinkaa wax laga qabto, mid waa markaa hore 2012-kii oo Ingiriiska ayaa hormood ka ahaa, Arrinta ku dhex jirtay Arrinta Soomaalidu waxay ahayd (Xilligaa oo loo qabtay) arrin la yidhaahdo Budhcad Badeed oo markaa dhaqaalaha Adduunka culays weyn ku haysay oo Badda Hindiya iyo dhulka Soomaalida uu Culays weyni ka soo waajahay Dhaqaalihii Caalamka, Dawladda Ingiriisku ay arrintaa khasaare badan kala kulantay, taasi ayaa keentay inay Itijaah siyaasadeed oo Dibedda ah ka dhigtaan Arrimaha Soomaalida, arrintaas ayaa ku dhex jirtay ee shirkaasi ma ahayn mid u gaar ah Somaliland iyo Soomaaliya Wada-hadalkooda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ta Imika socota iyo Kooxaha Eryaya ama hormoodka ka ah Wada-hadalka ka furmay, waxaan is leeyahay waxay iyaduna la xidhiidhaa  ama ahmiyadda uu Caalamku siinayaa waxay tahay doodaha cusub ee isku xidhka Geeska Afrika ee Hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya uu hormoodka ka yahay iyo siyaasad loo yaqaano siyaasadda badda Cas oo Xagga Baayac-mushtarta, Amniga iyo isku socodka muhiimad gaar ah u leh Caalamka, weliba labada dhinac ay kala fadhiyaan Waddammada Reer Galbeedka iyo Shiinaha iyo Xulafadiisa oo dhinaca kale ah, markaa arrimahaas ayay ku dhex jirtaa Arrinta Somaliland iyo Soomaaliya.”

Maxamed Cabdillaahi waxa kale oo uu sheegay inaan Beesha Caalamku mar kaliya u qasdiyin Arrimaha Soomaalida ee ay mar walba danahooda wataan “Waxa muhiim ah in la caddeeyo, Wada-hadallada Somaliland marna ma ahayn arrin weyn oo Caalamku u badheedhayo inuu si gaar ah u daneeyo, had iyo jeer waxay arrinta Somaliland iyo Soomaaliya marti u tahay dano waaweyn oo Caalamku ka leeyahay Mandaqadda ay joogaan (Somaliland iyo Soomaaliya), maantana arrinta ay soo dhex gashay waa arrintaa isku xidhka Bariga Afrika.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Maxamed Biixi Yoonis oo soo noqday Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland ayaa isaguna ka hadlay Arragtidiisa la xidhiidha Shirka Jabuuti “Waxay iigu muuqataa inay si weyn u kala duwan yihiin Wada-hadalladii hore ee aanu gali jirnay waxa inta badan hawsha wadday Dawladda Turkiga, Dawladda Turkiguna inta badan markay isugu kayo yeedho waxay na siin jirtay Qol aanu ku jirno, dabadeedna annaga ayaa is hor fadhiisan jirnay oo labada Guddi ee Somaliland iyo Soomaaliya ka kala socda ayaa wad doodi jiray, iyaguna Dooddaa kumay jirin, dhexna kamay ahayn (Turkigu), laakiin Shirkani wuxuu kaga duwan yahay wuxuu ahaa Wada-hadallo Dawlado waaweyn oo Caalamka ah oo Maraykanku ka mid yahay, Midowga Yurub, Dawladda Itoobiya, IGAD iyo Midowga Afrika joogaan, gogoshana uu dhigay Madaxweynaha Jabuuti, halkaana Fagaare Caalamiya sidii ay ahaan jireen Wada-hadallada Adduunkuba  lagu qabtay, qolo kastaana ay Qadiyaddeeda halkaa ka sheegtay.”

Maxamed Biixi waxa kale oo uu sheegay “Maxay iskaga mid yihiin, waxay isaga mid yihiin, waxyaabaha aadka looga hadlay waxay ahaayeen waxyaabihii hore aanu ugu heshiinay ee la fulin waayay, kuwaasi oo Dawaldda Somaliland ay codsatay oo ay tidhi waxyaabihii hore oo dhan lama fulin, si wada-hadalladani u noqdaan kuwo midho-dhala oo la is aamino oo kalsoonidii soo noqoto waxaanu doonaynaa in la fuliyo waxyaabihii hore loogu wada-hadlay ee heshiiska lagu gaadhay ee aan illaa hadda la fulin ama lala wareegay sida Hawada oo kale.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Wada-hadalladani yihiin horumar inkasta oo hadallo taag-taagan jireen  “Waxaan is leeyahay waa Horumar iyo Dariiq cusub oo bilaabmay, laakiin (Markii la tagay Jabuuti) diyaar garow badan ma jirin, Wakhtigoo Cidhiidhi ahaa, iyadoo Dunida uu Covid_19 uu jiray oo Dadku deg-deg u soo baxayeen, laakiin Hadallada taag-taagan looma baahna, marka la wada-hadlayana looma baahna Hadallo Af-xumo keenaya oo lagu kala tagayo.”

Ugu dambayn, Biixi wuxuu sheegay “Waxaan qabaa inay ta dambe (Wada-hadallada dambe) ka sii fiicnaan doonaan, Beesha Caalamkuna aad u iman doonto oo uu noqon doono Shir weyn, oo aad iyo aad looga wada-hadalo arrimaha Masiiriga ah  ee waaweyna looga wada-hadlo”  ayuu yidhi

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM