GAAROODI NEWS NETWORK

Maamulka Cusbitaalka Hargeisa International Hospital Oo Kulan Laqaatay Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Masuuliyiinta Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Ayaa Kulan Laqaatay Maamulka Cusbitaalka Caalamiga Ah Ee Hargeisa International Hospital Ee Magaalada Hargeisa Iyo Haayada ARC Kuwait

Kulankan Oo Ay Yeesheen Laba Dhinac Ayaa Ujeedadiisu Ay Ahayd Sidii Looga Wada Hadli Laha Adeegyada Kala Duwan Ee  Uu Cusbitaalka Hargeisa International Iyo Haayada ARC Ayka Qabtaan Dalka Iyo Sidii Loo Laba Jibaari Lahaa Adeegyada Ay Bulshada Uqabtaan Inta Lagu Guda Jiro Xaalada Xanuunka Covid 19

Ugu Horayn Waxaa Kulankaas Kahadlay Madaxa Cusbitaalka International Dr Cabdiqawi Iyo Cabaas Cabdiraxmaan Hindi Oo Kamid Ah Masuuliyiinta Ugu Sareeya Cusbitaalkaasi Waxaanay Si Qoto Dheer Uga Warbixiyeen Adeegyada Kala Duwan Ee Ay Uqabtaan Bulshada

Cabaas Cabdiraxmaan Hindi Ayaa Isaguna Ugu Horayn Uga Mahadnaqay Wasaarada Caafimaadka Kulanka Ay Wada Yeesheen Iyo Sida Wayn Ee Wasaarada Caafimaadku Ay iyaduna Dhankeeda Uga Mahadnaqday Cusbitaalka International Adeegyada Uu Bulshada Ufuliyo

Dhanka Kale Cabaas Cabdiraxmaan Hindi Waxa Uu Tafaasiil ka Bixiyay Adeegyada Caafimaad Ee Ay Sida Bilaashka Ah Ay Bulshada Ugu Fuliyaan Siiba Goobaha Fogfog Ee Miyiyada Oo Aanay Badanka Gaadhin Adeegyada Dhamayska Tiran Ee Caafimaadku

Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay Inay Adeegyo Bilaasha Ay Ufuliyaan Dadka Jilicda San Ee Aan Karayn Inay Iska Bixiyaan Adeegyada Lacagta Ah Ee Uu Fuliyo Cusbitaalku

Waxaa Isaguna Halkaasi Kahadlay Yuusuf Maxamed Cabdi Oo Kamid Ah Masuuluyiinta Haayada ARC Kuwait Waxaanu Sheegay Inay Aad Ugu Faraxsanyihiin Sida Qiimaha Leh Ee Ay Wasaarada Caafimaadku Ulashaqysay Dhankoodana Ay Muhiim Utahay Inay Dadkooda Ushaqeeyaan

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM