GAAROODI NEWS NETWORK

Dadka Ku Dhintay Rabshadaha Itoobiya Oo Gaadhay 166 qof

Mudahaard Ingiriiska ka dhacay oo looga soo horjeeeda Dilka fanaanka loo geystay

Booliska dalka Itoobiya ayaa sheegay dadka ku dhintay mudaharaadyada rabshadaha watay ee dalka Itoobiya ka dhacay ay ku dhinteen 166 qof.

Taliye ku xigeenka booliska deegaanka Oromada Girmaa Galaan wuxuu FBC u sheegay mudaharaadyadi rabshadaha watay ee dalka Itoobiya ka dhacay dadka ku dhintay inay isugu jiraan 145 qof oo shacab ah iyo 11 askari oo ka mid ah ciidamada ammaanka.

Mr Girma wuxuu intaasi ku daray iney rabashadahaasi 167 qof oo kale waxyeello ka soo gaartay, dowladduna ay xidhay dad ay tiradooda gaareyso 1,084 oo rabshadaha iyo qulqulatooyinka dalka Itoobiya ka dhacay.

Taliyaha waxa kale uu sheegay dhimashada dadkaasi iney keentay rasaas ay ciidamada amaanka mudaharaadayaasha ku fureen iyo isku dhacyo dhex maray qowmiyado iska soo horjeeda.

Magaalada Addis Ababa waxaa ku dhintay 8 qof oo shacab ah iyo 2 askari oo boolis ah.

Komishneerka booliska magaalada Addis Ababa Getu Argaw oo dhawaan warbaahinta dalka Itoobiya la hadlay wuxuu sheegay dadka dhintay iney naftooda ku waayeen qarax bambooyin, rasaas iyo dhagaxaan ay mudaharaadayaashu isladhaceenHachaaluu wuxuu horay u sheegay in dil looga hanjabay

Waxayna dhaawacyo kala duwan soo gaareen ayuu yiri 57 askari oo ka tirsan booliska Federaalka iyo booliska magaalada Addis Ababa.

Waxay mudaharaadayaashu ay burburiyeen ayuu yiri 259 gaari oo ay shacabka iyo dowladda lahaayeen, iyada oo 20 ka mid ah gawaaridaasi dab la qabadsiiyey.

Booliska dalka Itoobiya waxay sheegeen rabshadihi dalkaasi ka billaawday iney gabi ahaanba ay hadda istaageen.

Khariidadda Itoobiya

Hanjabaadda Dr Abiy Axmed

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda oo talada dalkaasi qabtay bishii April 2018-kii wuxuu digniin u diray kooxda ka dambeysy dilka fannaanka ee doonaya iney carqaladeeyaan isbeddelka uu doonayo inuu dalka Itoobiya ka hanaqaado.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Axmed ayaa sheegay rabshadihi maalmihi ugu dambeeyey ka socda dalka Itoobiya ee ay soo maleegeen waxa uu ku sheegay cadowga dalka Itoobiya iney laamaha ammaanka Federaalka iyo Deegaanka oromada aysoo afjareen.

 

Ra’isal wasaaraha oo shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka itoobiya uu ku sugan yahay qabtay ayaa sheegay dowladdu iney qabatay gacan ku dhiiglayaashi dilay fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundeesaa, balse ay harsan yihiin kooxihii dilkaasi soo maleegay dowladduna ay ka qaadi doonto tallaabbo adag.

“Shaqsiyaadki dilka iney geteen looga shakiyey waa la hayaa waxaana dilkaasi lugu ku leh shaqsiyaad qaab dhismeedka dowliga ku jira” ayuu yiri.

“Aragtiyada naceybka xambaarsan ee ku saleysan qowmiyad ama siyaasad dalka Itoobiya wixi hadda ka dambeeya boos ugama bannaana, xoogagga doonayey iney dalka Itoobiya dhiig ku daadiyaanna waxaan u sheegayaa iney riyadoodaasi marnaba rumoobeynin” ayuu yiri

“Xoogagga magac qabiil ama siyaasad ku soo gabbanaya ee aan aan dagaal waxa uu yahay oo doonaya iney dagaal magaalo waxa uu yahay ay na baraan waxaan ku qasbanahay inaan tusno dagaal magaalo waxa uu yahay iyo sida guusha looga gaaro, xoogagga doonaya iney facebooka ka riyoodaanna waxaan u sheegeynaa iney marnaba riyadoodaasi u rumoobeyn.”Qaar ka mid ah mudaharaadayaasha

Oromadu maxay u mudaharaadeysaa?

Qowmiyadda Oromada waxay wakhti dheer ka cabanayeen in la gacan bidixeyo. 2016-ki waxay qowmiyadda billowday mudaharaadyo ballaadhan oo ay dowladda ku cadaadinayaan in siyaasadda dalka isbeddel lagu sameeyo.

Xisbiga EPRDF ee talada hayeyna mudaharaadayada dalkaasi ka socday markay istaagi waayeen si ay codsiga shacabka uga jawaabaan Ra’isal Wasaare Hailemaaryaam Desaalegn waxay ku beddeleen Dr Abiy Axmed.

Wuxuuna Abiy Axmed uu la yimid isbeddel siyaasadeed oo la taaban karo isaga oo la soo baxay siyaasad furfuran.

Hase yeeshee, waxaa dalka Itoobiya ka qarxay dagaalla beeleedyo qowmiyadaha dalkaasi dhexmaraya oo xaaladda dalka Itoobiya sii murjiyey.

Mr Abiy wuxuu ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Noble Prize 2019-kii, iyada oo abaalmarintaasi uu ku muteystay sida uu ugu guuleystay colaaddi muddada dheer taagneyd ee u dhaxeysay Ethiopia iyo Eritrea sida uu u soo afjaray.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM