GAAROODI NEWS NETWORK

Shiinaha Oo Bogaadiyay Go’aanka Fulaynimada Ah Ee Soomaaliya Ay Ka Qaadatay Xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland

Shiinaha oo bogaadiyay go’aanka Soomaaliya ay ka qaadatay xiriirka Taiwan iyo SomalilandWasiirada arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Taiwan

Wasiirada arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Taiwan

Shiinaha ayaa bogaadiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku cambaareysay kullan dhawaan dhexmaray madaxda Taiwan iyo mas’uuliyiin ka socday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday maxbanaannida ee Somaliland.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in Muqdisho iyo Beijing ay dhowrayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee labadooda dal, kadib kulan uu madaxweynaha la qaatay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

“Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay dadaalkeeda ku aadan xaqiijinta qiyamka iyo mabda’a Shiine hal ah isla markaana uu cambaareeyay tallaabada Taiwan ee wiiqeysay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, waana ugu mahadcelinayaa arrintaas”” ayaa lagu yiri qoraal barta Twitter-ka uu kusoo qoray afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.

Social embed from twitter

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM