GAAROODI NEWS NETWORK

Farmaajo Oo Khayre Ku Taageeray Inaan Doorashada Dib Loo Dhigin

Xasan Cali Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay waxyeellada ka dhalan karta muddo kororsi ay sameysato dowladda.

Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay mowqifkiisa, isagoo sheegay “inuusan oggolaan doonin muddo kordhin, doorashaduna ay xilligeeda ku dhici doonto”.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay fahansan tahay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo waqtiga doorashada iyo in loo hoggaansamo dastuurka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay in kalsoonida shacabka ay muhiimad weyn leedahay.Sanduuq codeynDhammaan xubnaha golaha wasiirrada ee goob joogga ka ahaa kulankaas ayaa isku waafaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dardar galinta howlaha doorashada.

Farmaajo oo soo dhaweeyay go’aanka golaha wasiirrada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

Muddooyinkana wuxuu muran ka taagnaa sida ay doorashada Soomaaliya u waafaqi karto waqtigii loogu talagalay, iyadoo dhinacyada mucaaradkana ay walaac ka muujinayeen muddo kororsi ay sameysato dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa Axaddii Baarlamaanka u soo bandhigtay laba qaab oo doorashada Soomaaliya u dhici karto, balse mid kasta wuxuu sababayaa dib u dhac.

Noocyada doorasho ee suuragalka ahXaliimo Yareey, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada SoomaaliyaXaliimo Yareey, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya

Xaliimo Yarey ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyadoo sheegtay in nooca ku xusan sharciga doorashooyiinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid wakhti iyo kharash badan u baahan.

“Middka koobaad waa in dadka la diiwaan geliyo oo sawirro laga qaado. Qofkii laba jeer ama seddax jeer is diiwaangeliyayna la raadiyo; markii nadiif laga dhigo ka dibna dadka kaararka loo qeybiyo ka dibna codeynta la qabto. Kaas waqtigiisu wuu dheeryahay, illaa August 2021-ka ayaan qaban karnaa”, ayey tiri, iyadoo BBC News Somali la hadleysay.

“Hannaankaas wuxuu u baahan yahay qarash gaaraya illaa $69 milyan. Wuxuu leeyahay wanaag iyo cillado, waana u kala dhignay.

  • In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha
  • In hay’adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda.
  • In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta
  • In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta.
  • In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta.
  • Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga.
  • Qaybinta kaarka aqoonsiga codbixiyaha
  • Diiwangalinta Rasmiga ah ee Xisbiyada Siyaasadda
  • Diiwaangalinta Musharixiinta xildhibaannada.
  • Ololaha Doorashada Xisbiyada.
  • Qabashada Doorashada (maalinta codbixinta)

“Midka kale waxaa waaye; in maalinta codeynta uu qofka imaado isagoo aan horey loo diiwaan gelin – ka dibna magaca ayaa laga qorayaa warqaddii codeyntaa la siinayaa, qadna farta baa loo gelinayaa, sidaas ayuuna ku codeynayaa. Kaasna waxaa ku baxaya qarash gaaraya $45 milyan”.

“Labadaba waxaan u baahannahay in sharcigooda aan haysano illaa bisha July (ee sannadkan),” ayey hadalka ku dartay.Xasan Sheekh Maxamuud oo codeynayaXasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu doortay codeyn bishii September ee 2012-kii ka dhacday Muqdisho ka dib doorashada oo sannad iyo wax la jira dib u dhacday, wuxuuna xilka kala wareegay Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si weyn u dhaliilay hadalka guddoomiyaha doorashada.

“Lagama sugeyn marna muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaaseed oo hor leh in dalka uu guddiigii madaxa bannaanaa ee dastuuriga ahaa oo umadda Soomaaliyeed kalsoonida ay siisay in ay baarlamaanka la hor yimaadaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdiraxman Cabdi Shakuur oo ah siyaasi mucaarad ah ayaa yiri: “In khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan”.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM