GAAROODI NEWS NETWORK

Shirka Maamul Goboleedyada:- Dhowr Arrimood Oo Ku Saabsan Magaalada Dhuusamareeb

bbc

Dhuusamareeb oo ah magaalo-madaxda Gobolka Galgaduud, ayaa maanta martigilenysa madaxda maamul goboleedyada oo halkaa ku leh wadatashi ku aadan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo guddiga doorashooyinka ay dhawaan sheeegeen inaysan ku qaban karin wakgtigii loogu talagalay.

Deegaan ahaan

Dhuusmareeb waxay in ka badan 500 km u jirtaa caasimadda Muqdisho. waxaa dhinaca bari ka xigs Ceelbuur, dhianca koonfureedna Guriceel, Dhinaca waqooyina Cadaado halka Cabdwaaqna ay ka xigta dhinaca waqooyi Galbeed.

Dhuusamareeb waxay u dhowdahay xadka Itoobiya waxayna xuduud leeyihiin deegaanka Shilaabo ee dowlada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Ammaanka

Dhuusamareeb waxaa lagu tilmaamaa magaalada ugu amaanka fiican gobolada dhexe, waxayna kala bartaa gobolada Mudug iyo Hiiraan oo amaan ahaan ay aad uga fiican tahay.

Inta badan amaanka magalaadaasi waxaa loo tiriyaa ururkii Ahlu Suna Waljamaaca ee suufiyada oo sanadaha badan deegaanadaasi maamulayay.

Saldhig Milatar

Dhuusamareeb waxaa deganaa taliskii 21-aad ee meleteriga Soomaaliya Xiligii xukuumadii Maxamed Siyaad Bare. Sababta saldhigaasi meleteri looga sameeyey Dhuusamareeb waxay ahayd deegaan ahaan halka ay ku taalo oo muhiim u ahaa xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

bbc

Dhaqaalaha iyo tasiilaadka magaalada

Magaalada ganacsi ahaan iyo deegaan ahaanba ma ahan mid weyn. Sandihii dhawaa in badan oo ka mid ah dadkeeda ayaa soo aaday magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho.

Martida hadda joogtana wey ku adagtahay inay helaan hoteelo waawayn iyo maqaayado casri ah. Taasi badalkeeda martida waxaa la dejiyay guryo ay gogladeen dadkii lahaa oo ka faa’iidaysanaya fursado shaqo ee hada taagan oo hotel ahaan loo kireeyo.

Maxamed Qaasim Turaabi waa xubin ka tirsan machadka Raas ee cilmi-baarista, waxa uu ka mid yahay martida shirka Dowlad Goboleedyada ka qaybglayabbcDhuusamareeb

“Waxaan deganahay guryo dad gaar ah ay leeyihiin balse si fiican loo hagaajiyay oo hotel ahaan aan u deganahay, cuntada maqaayadaha magaalada oo kooban ayaan u doonanaa, maciishaduna waa raqiis. Waana magaalo hawo fiican,” ayuu yiri Qaaasim

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb, Cabdiraxman Cali Geeda-Qoroow ayaa BBC-da u sheegay inay ku faraxsan yihiin martigelinta madaxda Soomaalida.

” Dhuusamareeb waa magaalo taariikhi ah oo xarun diimeed ahayd sanado badan waxayna maanta marti-sooraysaa boqolaal qof oo iyada usoo hoyday”

Xarunta Cilmiga suufiyada

Waa geedo iyo malcamado diinta lagu barto, boqolaal sano ayayna dariiqada suufiyada halkan ka aflaxiyiin boqolaal arday ah oo markii dambe culimo waawayn noqday. Waxaa ka mid ahaa culimadii xarunta Raqay wax ku baratay Macalin Maxamuud Gudoomiyihii Ahlu Suna Waljamaaca.

Dhuusamareeb waxaa sidoo kale ku yaalla geed taariikhi ah oo la yiraahdo ‘Qurac-dambi’ shaxda ama jarta ayaa lagu ciyaaraa, in ka badan boqol sano ayuuna geedkan can ku ahaa boqolaal rag ah oo sheeko iyo shax u soo doonta.bbc

Dhuusamareeb waxay marar badan martigelisay kulamo dib-uheshiisiin oo gobolka ah balse shirarka isbuucan lagu qabanayo Dhuusamareeb ayaa ah mid ay maamullada dalka ka jira uga arrinsanayaa arrin muhiim ah: waxa laga yeelaya muranka klu aadan doorashada qaran ee aan kala caddeyn xilliga iyo nooca la qaban doono.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM