GAAROODI NEWS NETWORK

Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Somalia Oo Ka Hadlay Go’aanadii Kasoo Baxay Shirka Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay go’aanadii kasoo baxay shirka Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa soo dhaweeyay waxyaabihii kasoo baxay shirkii madaxda Maamul Goboleedyada ay ku yeesheen Dhuusamareeb, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha.

Aqalka Sare wuxuu sidoo kale sheegay in kalsooni ay ku qabaan war murtiyeedka kasoo baxay shirkaas.

“Go’aankii taariikhiga ahaa ee kasoo baxay shirkii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb…go’aankaas oo aan u arko inuu guul hordhac ah u yahay heshiis wadajir ah oo ay wada gaaraan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Dalkana u horseedi kara nabad, degnaansho iyo horumar”

War murtiyeedka kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in dalku aanay xilligan ka dhici karin doorasho “qof iyo cod ah” loo baahan yahay in ay dhacdo doorasho taladeedu loo dhan yahay “nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan”.

.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM