GAAROODI NEWS NETWORK

Khilaafka biyo-xireenka Nile: Itoobiya iyo Masar kuleylka ay Sababeen Ee Awood la’aanta ah

Dhismaha mashruuca oo socdo

Diblomaasiyad asluub ku saleysan ayaa dunida ka hirgashay balse wakiillada Masar iyo Itoobiya waxay muujiyeen jahwareer ay adag tahay in la qariyo.

Shirkii dhawaan dhacay ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa looga wada hadlay mashruuca weyn ee biyo-xireenka ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile. Kulankaasina wuxuu ku dhacay qaab muuqaal ah.

Kala fogaanshaha bulshada ee ay ka qayb galayaasha shirkaasi sameynayeen ayaa hoosta ka xariiqay inuu sidoo kale jiro kala fogaansho diblomaasiyadeed.

Haddaba arrintan ayaa waxay noqotay mid waxyeelleyneysa danaha qaran ee labada shacab iyo is aaminaadda ka dhaxeyn karta.

Biya xireenka weyn ee ay Itoobia ka dhiseyso wabiga Nile wuxuu awood u leeyahay xakameynta biyihi tagi lahaa dalka Masar oo uu ku dhammaado wabiga Nile.

Sameh Shoukry

A threat of potentially existential proportions has emerged that could encroach on the single source of livelihood of over 100 million Egyptians”
Sameh Shoukry
Egyptian Foreign Minister
Presentational white space

Dhinaca kalena mashruuca marka uu si buuxda u howlgalo wuxuu noqon doonaa awoodda korontada laga dhaliyo ee ugu weyn gobolka, waxaana ka faa’iideysan doona 65 malyan oo Itoobiyaan ah oo aan hadda haysan adeeg koronto.

Dhismaha mashruuca biyo-xireenka oo billowday 2011-kii ayaa haatan ku dhow gabagabo.

Wakiillada Itoobiya iyo Masar ee ka qayb galay shirka qaramada midoobay, waxay labaduba ku doodayaan jiritaankooda inuu ku xiran yahay.

“Waxaa soo ifbaxaya khatarta uu biyo-xireenka ku keenayo noolasha 100 malyan oo Masaari ah oo ay noolashooda biyaha wabiga Nile ku xiran tahay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar, Sameh Shoukry.

Sidaas si la mid ah danjiraha qaramada midoobay u fadhiya Itoobiya Taye Atske-Selassie oo ereyo noocaasi ah adeegsaday wuxuu yiri: “Itoobiya iney biyaheeda isticmaasho ama ay adeegsato ma aha wax kala doorasho ah balse waa arrin dastuuri ah.”

Goormaa la buuxinayaa biyo-xireenka?

Muranka ku saabsan arrintan biyo-xireenka ayaa soo socday ku dhawaad toban sano, iyada oo aan qodobbadii la isku hayey heshiis laga gaarin, inta badanna ay qodobbada ay ku doodeyso Masar sabab u ahaayeen in heshiis la gaari waayo.

Su’aasha taagan ee weli jawaabta u baahan waa xilliga biyo-xireenka la buuxinayo iyo xaddiga biyaha la sii deynayo.

Wadahadallo marar badan dhex marayey kooxaha farsamada ee dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudan ayaan arrimihii la iski hayey heshiis kama dambeys ah kasoo saarin.

Itoobiya waxay sheegtay inay toddobaadyada soo socda billaabeyso keydinta harada biyaha ku shubta biyo-xireenka, maadaamaa hadda lagu jiro xilli roobaad dalka Itoobiya.Nin beeraley ah oo beertiisa ku dhex jiraEgypt waxay sheegtay biyaha wabiga Nile inuu beeraheeda lafdhabar u yahay

“Dhinaca Itoobiya, dhismaha biyo-xireenka iyo buuxinta biyaha uma aha labo arrimood oo kala si kala duwan loo sameynayo,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha wadaxaajoodka u qaabilsan Itoobiya, Zerihun Abebe, oo BBC-da u warramay.

“Masaaridu waxay isku dayayaan inay beesha caalamka ka dhaadhiciyaan arrin taas ka duwan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray mabaadiidii aasaasiga ee 2015-kii lagu heshiiyey ay Itoobiya u oggolaanayaan inay howlaheeda sii wadato.

Balse Masar sidaas wax uma aragto.

Mareykanka wuxuu isku dayay inuu dhexdhexaadiyo Masar iyo Itoobiya si ay heshiis kama dambeys ah u gaaraan.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in wadahadallada biya xidheenka ku saabsan ee horay u soo socday ay ku saleysnaayeen in biya xidheenka Itoobiya ay dhisaneyso loo maareeyo si aan saameyn u geysaneyn waddamada kale ee uu wabiga sii maro ee Suudaan iyo Masar.

In sidoo kale Itoobiya looga baahan yahay inta arrinta wabiga heshiis kama dambeys ah laga gaarayo in aysan billaabin buuxinta biya xidheenka ay dhiseyso.

Buuxinta biyaha wuxuu Mareykanka shuruud uga dhigay heshiiska kama dambeysta ah oo ay dhammaan dhinacyada isla gaaraan.

Heshiisyadi xilligi guumeysiga

“Buuxinta biyaha iyo howlahiisa iyada oo aan heshiis waara laga gaarin muranka dalalka u dhaxeeya ma aha suuragal, waxaana taas looga hortagayaa saameynta uu u geysanayo waddamada wabiga uu sii maro, iyada oo cabsi aad u weyn laga muujiyey gobolka ay amnigiisa oo marki horaba aan cago adag ku taagneyn, oo ay colaad iyo dhibaato horleh ka abuurto” ayuu yiri Mr Shoukry.

Itoobiya waxay dhankeeda ka sheegtay inay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho wadahadallo ay hoggaaminayaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, balse waxay Masar ku eedeysay “iney ku adkeysaneyso taariikda xuquuqiga ee ay isasiineyso iyo xaaladda hadda taagan”.

Xuquuqaha ay Masar isasiineyso ayaa waxay salka ku hayaan guumeystihii Britain oo 1929-kii u aqoonsaday Masar: “Dabeeci ahaan iyo taariikh ahaanba in ay Masar xaq u leedahay biyaha wabiga Nile”.

Wuxuu sida oo kale Masar xaq u siinayaa iney leedahay awood ay ku hor istaagto mashruuc kasta oo wabiga Nile laga dhiso.

1959-kiina, dalalka Masar iyo Suudaan waxay saxiixeen heshiis ay labada waddan ku qaybsanayaan kheyraadka wabiga Nile, iyada oo heshiiskoodaasi uu dhigayo in Masar ay yeelaneyso xuquuqda ugu badan ee ka faa’ideysiga wabiga.

Balse heshiiska ay labada dal wada galeen laguma xusin 9-ka dal ee uu wabiga Nile maro oo ay Itoobiya ka mid tahay.

Khariidad muujineyso goobta ay Itoobiya biyo xireenka ka dhiseyso

Wabiga Blue Nile oo Itoobiya ka soo kicitima wuxuu magaalada Khartoum kaga darsamayaa wabiga White Nile, 80% biyaha wabigaasina waxay ka yimaaddaan dalka Itoobiya.

Itoobiyana waxay u aragtaa “caddaalad darro taariikhi ah” in lagu sameeyey oo la hor istaagay “kheyraadka dabiiciga ee ay xaqa u leedahay iney ka faa’ideysato”.

“Itoobiya haddii ay oggolaato xaddi biyo oo la ogyahay iney Masar sanad walbo hesho, taasina waxay ka dhigan tahay ansixinta sharcigii caddaalad darrada ahaa ee ay gumeystayaashu dajiyeen, taasina ma aha mid la qabli karo” ayuu yiri wakiilksa Itoobiya.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in sanadka labaad ee buuxinta biyo-xireenka ay sii deyneyso ugu yaraan 31 balyan oo Kiyubik Mitir oo cabbirka biyaha ah, balse wixi intaa ka dambeeya Itoobiya ma aysan sheegin biyaha ay sii deyn doonto.

Presentational grey line

Muuqaal biyo xireenka laga sameeyey

Join Alastair Leithead iyo kooxdiisa waxay 2018-kii booqdeen wabiga Blue Nile halka uu ka soo kaco ilaa iyo badda uu wabiga ku dhammaado, kaddib marka uu sii mara Itoobiya, Suudaan iyo Masar.

Presentational grey line

Biyo aad u badan haddi ay wabiga ka baxaan xilliyada abaarta oo Masar gaaraan taasi waxay keeni kartaa biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya dhiseyso inuu shaqada joojiyo biyo yari soo food saareysa awge

ed.

Balse Masar waxay ka digtay iney tallaabbo qaaddo iyada oo aan ogeysiinin xaddiga biyaha rasmiga ee ay heleyso.

Qaramo ku midoobay biyo-xireenka

Sagaal sano oo wadahadal ah kaddib ayaa laga yaabaa inuu ka turjumayo xaqiiqada ah in tani ay tahay xeelad diblomaasiyadeed oo kala fogaanshihii jiray lagu soo afjari karo.

Balse madaxweynaha Masar C/fataax al-Sii iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa gudaha dalalkooda kaga furan arrimo siyaasadeed oo si aad ah u khuseeya arrinta la isku mari la’yahay ee wabiga.

Itoobiya dhankeeda dhismaha biyo-xireenka waxay ku bixisay $4 balyan oo doolar. Lacagtaasi ayey dowladda Itoobiya gudaha iyo dibadda ka uruurisay.

Mr Abiy sidaas oo kale arrinta biyo-xireenka waxay u tahay xaalad siyaasadeed oo ay jawaab waafi ah uga sugayaan taageerayaashiisa, ayna ku taageerayaan go’aan kasta oo uu qato.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM