GAAROODI NEWS NETWORK

Koox kasoo jeeda Ruushka oo beegsanaya cilmi baarista lagu raadinayo tallaalka Covid-19

Koox kasoo jeeda Ruushka oo beegsanaya cilmi baarista lagu raadinayo tallaalka Covid-19

.

Koox dhac ka geysata Internetka oo kasoo jeeda Ruushka ayaa bartilmaameedsanayaa ha’yadaha isku dayaya inay soo saaraan tallaalka looga hortaggayo cudurka Corona, sida ay sheegtay xarunta qaran ee qaabilsan arrimaha amniga intertnetka UK.

Xarunta qaran ee qaabilsan arrimaha amniga intertnetka UK waxay sheegtay in kooxda ay u howlgalaan sida iyaga oo qeyb ka ah sirddoonka Ruushka.

Waxay sheegtay in kooxdu ay xadeyso macluumaadka ku saabsan tallaalka cudurka Covid-19.

Mareykanka iyo Canada ayaa sidoo kale digniin kasoo saaray kooxdan.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM