GAAROODI NEWS NETWORK

Khilaafka Biyo-xireenka: Masar dagaal toos ah maku qaadi kartaa Itoobiya?

صورة جوية توضح الطريق الدائري الذي يحيط بالعاصمة المصرية القاهرة ويبدو نهر النيل، في 20 يونيو/حزيران 2020“Biyaha ma ahan waxa keliye ee muhiimka ah ee la isku khilaafsan yahay, balse Madaxweynaha Masar, Cabdifitax Al-Sisis, wuxuu u dagaallamayaa dhowridda sumcaddiisa,” ayaa lagu qoray wargeyska The Independent.

Qaar ka mid ah wargeysyada caalamka ayaa wax ka qoraya sida ay suuragal u noqon karto in dagaal militari uu dhexmaro dalalka Masar iyo Itoobiya oo isku khilaafsan bixyo-xireenka laga dhisayo dalkan saboolka ah ee ku yeella Geeska Afrika.

Waxaa majalladahaas ka mid ah kuwa ka soo baxa Britain oo falanqeeyay qaar ka mid ah arrimaha walaaca leh ee taagan.

Muddada ay qaadaneyso buuxinta biyo-xireenka Itoobiya waa xaaladda ugu weyn ee lagu heshiin waayay. Wararka waxay sheegayaan in Itoobiya ay billowday tallaabadaas, balse arrinta u furan Masar maxay noqon kartaa?

“Markii aan bishii March ka digayay dagaal u dhexeeya Masar iyo Itoobiya oo ka dhasha in laga heshiin waayo wabiga Niil, waxay wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya igu eedeysay ‘dab-huriye iyo mid aan saxda sheegin’,” ayuu yiri weriye ka tirsan warbaahinta The Independent ee laga leeyahay Britain oo arrimahan wax ka qora.

Axmed Aboudouh ayaa intaa ku daray in “maanta ay heerka wadahadalladii Itoobiya iyo Masar ay marayaan dhammaadka diblumaasiyadda – waxayna u muuqadaa in dagaal uu yahay midka keli ah ee suuragalka ah, iyadoo weli caalamka uu yareysanayo durbaanka la isu garaacayo”.

Isniintii, wadahadallo uu hoggaaminaya Midowga Afrika oo ay ka qeybgaleen Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa mar kale gaaray meel xun oo la isku mari waayay.Abiy iyo Al-Sisi ayaa dhowr goor ka kulman xallinta khilaafkan, balse weli xaaladdii halkeeda ayey taagan tahayAbiy iyo Al-Sisi ayaa dhowr goor ka kulman xallinta khilaafkan, balse weli xaaladdii halkeeda ayey taagan tahay

Masar waxay ka baqeysaa inay saami-qeybsi fiican ay ka heli weydo webiga Niil haddii Itoobiya ay bilowdo buuxinta biyo-xireenka qiyaastiisu tahay 74 Bilyan oo kiyuubik Mitir, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin.

Xukuumadda Qaahira waxay dooneysaa in la cadeeyo saamiga ay ka heleyso biyaha sannad kasta, gaar ahaan xilliyada abaaraha ay jiraan.

Itoobiya dhankeeda waxay u aragtaa in buuxinta iyo dhameystirka biyo-xireenka ay yihiin arrin ay u madaxbannaan tahay dal ahaan, waxayna ku adkeysaneysaa in heshiis cusub uusan ahayn mid u suuragelinaya in “si caadalad ah ay wax u hesho”.

Dhanka kale, dowladda Sudan waxay sheegtay in heerka biyaha wabiga Niil uu hoos u dhacay “lana billaabay buuxinta biyo-xireenka iyadoo aysan jirin tallaabo heshiis ah oo loo dhan yahay oo la isla gaaray”.

Dowladda Masar ayaa dalbatay in arrintaas “si degdeg ah loo xaqiijiyo”.

Sudan iyo Masar waxay nolol ahaan ku tiirsan yihiin biyaha wabiga Niil, waxayna ka baqayaan in buuxinta Biyo-xireenka Itoobiya uu si wayn u yareyn doono biyaha ay ka helaan wabiga.

Itoobiya-na waxay u aragtaa in arrintan ay muhiim u tahay soo saaridda koronto raqiis ah oo biyaha laga dhaliyo iyo kobcinta dhaqaaleheeda.

“Haddii Itoobiya aysan buuxin biyo-xireenka, macnaha wuxuu noqonayaa in Itoobiya ay aqbashay baabi’inta biyo-xireenkaas,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo baarlamaanka dalkiisa la hadlayay horraantii bishan.

Balse, warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa hadal lama filaan ah baahiyay, waxayna Arbacadii sheegeen in si ula kac ah loo billaabay buuxinta biyo-xireenka, iyagoo aan kala caddeyn in dib loo xiray albaabada iyo in kale.

Sharafta iyo awoodda Militari

Dalalka Itoobiya iyo Masar waxay haystaan ciidamo badan oo awood leh. Si kastaba, Masar waxaa lagu qiimeeyay in ay ka mid tahay tobanka dal ee haysta ciidanka ugu awoodda badan caalamka.

Labada dalba, Masar iyo Itoobiya waxay isu arkaan kuwo u dhow dowladda Mareykanka iyo dalalka NATO, ayna ka heli karaan taageero haddii ay u baahdaan.

Laakiin, sida ay qabaan diblumaasiyiinta, “Itoobiya waa saaxiib muhiim u ah Mareykanka, inkastoo Sisi uu yahay qof u dhow Donald Trump, haddana ma beenin karo muhiimdadda istiraatiijiyadeed ee Itoobiya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Bariga Afrika iyo xakameynta galaangalka Shiinaha ee sii kardhaya – Itoobiya iyo guud ahaan Afrika”.

MASAR

Shabakadda lagu magacaabo The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sannadkan 2020, ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan caalamka.CN

Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.

Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.

Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316.

Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta.

Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso.

ITOOBIYA

Itoobiya oo ka mid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux.Fana broadcasting

Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.

Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya

Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.

Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya.

Trump ayaa mar isku deyay inuu dhexdhexaadiyo dalalka Sudan, Masar iyo Itoobiya, balse heshiiskii ayaa burburay

“Ku faanidda awoodda militari iyo sare u qaadidda waxa dadka ay ka filayaan madaxweynaha ee ah difaacidda Masar iyo daneheeda guud, waa arrinta uu ku taamayo Al-Sisis”, ayuu yiri nin ka faallooda arrimaha amniga.

“Sisi wuu fahamsan yahay in haddii ay wax ka soo bixiwaayaan dagaallada diblumaasiyadeed ee buuxinta biyo-xireenka iyo cadaadiska la saarayo Itoobiya, in uu halis kale wajahayo, taas oo ah xasillooni la’aan iyo suuragalnimada ah in afgembi militari lagu sameeyo isaga”, ayuu yiri Axmed Aboudouh oo arrimaha diblumaasiyadda iyo amniga wax ka qora.

Sidoo kale Itoobiya waxay aaminsan tahay “in dagaalka aysan ka maarmin, iyadoo biyo-xireenka u aragto sharafta dalkeeda inuu ku xiran yahay.”

Waxaa lagu maalgeliyaye $4.8 bilyan oo dollar. “Waxaa dhaqaalahaas laga keenay lacago laga soo jaray mushaarka shaqaalaha dalka iyo dadkale oo gacan ka geystay,” ayuu yiri Axmed Aboudouh.

Haddii Masar “ay bilowdo dagaal, wuxuu u jeedkeedu yahay in dareenka beesha caalamka ay ku soo jeediso arrintan taas oo fududeyn karta in ay hesho waxa ay rabto oo Itoobiya lagu qasbo”, ayuu lagu xusay warbixin lagu daabacay The Guardian.

“Waa xaalad la mid ah istiraatiijiyaddii Madaxweynihii hore ee Masar Anwar Al-Sadaat kaas oo joojiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee nabadda, dagaalka la galay Israa’iil, sannadkii 1973-dii.”

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM