Shamima Begum ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabato dalka Britain si ay dadaal dheeraad ah u geliso in meesha laga saaro go’aankii loogala laabtay dhalashada dalka UK.
Haddaba waa tuma gabadhan, maxayse tahay sabata loogala labtay dhalashadeeda Britain?
Shamima waxay ka mid tahay saddex dumar ah oo dhiganayay iskuul ku yaalla Bariga magaalada London, kuwaas oo u safray dalka Suuriya, si ay uga mid noqdaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka, sannadkii 2015-kii. Waxay ku dhalatay Britain. Waalidiinteeda waxay asal ahaan ka soo jeedaa dalka Bangladesh.Police released CCTV footage of Shamima Begum and her two friends from Gatwick Airport
Shamima Begum, oo hadda ay da’deedu tahay 20 sano, ayaa inkabadan saddex sano ku dhex noolayd deegaannadii ay ISIS maamulayeen ee Suuriya, waxaana la arkay iyadoo leh uur sagaal bilood ah xilli ay ku sugnyed xero qaxooti oo ku taala dalka Suuriya sannadkii 2019-kii.
Haseyeeshee cunugeeda ayaa markii damabe u dhintay oof-wareen. Gabadhan waxaa horay uga dhintay laba carruur ah oo ay dhashay.
Markii la ogaaday in ay ka mid ahayd ururka la baxay Khilaafada Islaamka, wuxuu wasiirkii arrimaha gudaha Britain ee xilligaas, Sajid Javid uu kala laabtay sharcigii iyo dhalashadeeda dalka Britain.
Waxaa hadda loo ogolaaday in ay racfaan ka qaadato go’aan dowladda, waxayna Shamima bilowday inay racfaankeeda go’aankaas ay gudbiso, waxayna heshay fursad ah in ay dib ugu noqoto Britain.
Mid ka mid ah gabdhihii la safray oo lagu magacaabo Kadiza Sultana, ayaa lagu dilay weerar bambo, balse lama oga xaaladda gabadhii kale ee ay wada socdeen.
Dhalashada waxay tahay in qofka uu xaq u helo in uu ku noolaado dal uu dhalashadiisa heysto.
UK, qofka heysta dhalashada dalkaas wuxuu xaq u yeelanayaa helidda xuquuq lamid ah kuwa ay helaan muwaadiniinta kale, sida daryeel bulsho, caafimmaad iyo inay codkooda dhiibtaan xiliga doorashada.
Waxaadna muwaadinimada dalka Britain waxay noqon kartaa haddii:
Sannadkii la soo dhaafay oo keliya dad gaaraya 159,380 ayaa la siiyay dhalashada dalka Britain, waxaana sharciga dalkaa uu dhigayaa in muwaadiniinta ay qaadan karaan dhalashada hal dal ka badan.
Dalka Britain, wasaaradda arrimaha gudaha waxay xaq u leedahay in dadka qaar ay kala laabto dhalashadooda, haddii qofka lagu helo dembiyada kala ah:
Sababta loo cuskaday in sharciga lagala noqdo Shamima Begum ayaa la sheegay in ay tahay inay kasoo horjeesatay danaha dadweynaha.
Sharciga caalamiga wuxuu dhigayaa inay sax tahay in qofka laga la laaban karo dhalashadiisa haddii uu heli karo dhalashada dal kale.
Maxkamadda racfaanka ayaa horraantii sannakan amartay in Shamima dhalashadeeda la kansalay ay tahay mid sax ah, maadaama ay asal ahaan ka soo jeeda dalka Bangladesh.
Inta badan sida dhacday, dadka lagala laabto dhalashada waxay ku qotantaa khatar amni sida argagixisanimo, ama dembi adag oo uu qofka galay. Muwaadiniit Britain, waxaana sidoo kale laga ceshtaa baasaboorka.
Qaar badan oo ka mid ah ajaaniibta u safray dalalka Ciraaq iyo Suuriya si ay ugu biiraan IS ayaa si qarsoodi ah ku gaaray halkaasi.
Balse xog uu daabacay Machadka King’s College ee London, ayaa muujinaysa in dad lagu qiyaasay 52,808 oo isugu jira rag, dumar iyo caruur ay u safreen dalalka Suuriya iyo Ciraaq, waxaana jira kuwo ay carruur u dhasheen xilligii ay kooxda IS ka talinayeen Ciraaq iyo Suuriya sannadihii 2013 illaa 2018.
Dalal kala duwan sida Ruushka iyo waddamo ku yaalla Aasiya, ayaa dib u celiyay boqollaal ka mid ah muwaadiniintooda ee kooxda ka mid ahaa.
Balse wadamada Reer Galbeedka ayaa dib ula noqday tiro aad u yar islamarkana kuwa loo ogolaaday in ay soo laabtaan ayaa u badnaa carruur.
Waxaa sidoo kale jira dhowr boqol oo haween iyo caruur isugu jira oo iyagu si iskood ah dalalka Yurub ugu soo laabtay.
Dalal badan ayaa markii ay dagaalyahannadan u safreen Ciraaq iyo Suuriya, waxay badaleen ama soo saareen sharciyo cusub oo lagula dagaalamayo waxa ay ugu yeereen argagixisada.
Sida ku cad warbixin ay soo saareen baarlamaanka Yurub, inta badan dalalka qaaraddaas ayaa dagaalayahanada IS ee soo laabtay waxay ku sameeyaan “baaritaanno dambi iyo dacwad ku oogis”.
Dalalkan waxay sidoo kale sameeyeen barnaamijyo lagula dagaalamayo fikradaha xagjirnimada.
Tallaabooyiinka kale ee ay qaadeen waxaa ka mid ah in dagaalyahanada ku biiray ururka la baxay Khilaafada Islaamka, laga qaado aqoonsiyadooda amaba Baasboorada laguna soo rogo xannibaad adag oo dhanka safarka ah.
Caruurta waxaa inta badan la geeyaa xarumaha lagu xanaaneeyo.