GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweyne Farmaajo Oo Dhuusamareeb Gaadhay

Madaxweyne FarmaajoMadaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa haatan gaadhay magaalada Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, ayaa waxa hore ugu qabsoomay shir wada tashi ahaa oo ay iskugu yimaadeen madaxda dawlad goboleedada Soomaaliya, halkaas oo ay ka soo sareen war-murtiyeed ay ku talo bixiyeen in dalka laga qabto doorasho dadban, maadaama oo sida ay sheegeen ay aaminsanyihiin in aanay suurto gal ahayn in dalka ay ka qabsoonto doorasho hal qof iyo hal cod ahi.

Madaxweynaha waxa uga sii horreeyey oo Dhuusamareeb tagay Ra’isal Wasaarihiisa, waxaana la filayaa in ay kulamo lagu lafa gurayo arimaha taagan ee siyaasadeed ay halkaa ku yeelan doonaan madaxda dawladda federaalka ah iyo kuwa dawlad goboleedyada ee goobta hore u sii joogay.

Ka sokow arimaha doorashada ee la filayo in lagaga wada hadlo waxa ka mid ah khilaafyo gaar ah oo u dhexeeyey maamul goboleedyada qaarkood sida Puntland iyo Jubbaland oo la rajaynayo in ay madaxda dawladda federaaalka ee Soomaliya iyo maamul goboleedyadaasi ayaa iyagana lagaga wadahadli doonaa halkas.

Wixii warar ah ee ka soo baxa socdaalkaa Madaxweyne Farmaajo, halkan ayaanu idiinku soo gudbin doonaa iyaga oo faahfaahsan.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM