GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweynaha Somaliland Iyo Madax-dhaqmeedka AWDAL Oo Maanta Kulan Foodda Isku-daraya

Hargeisa(Gaaroodinews)  Madaxweynaha Somaliland Iyo Madax-dhaqmeedka AWDAL Oo Maanta Kulan Foodda Isku-daraya

“Kulanka Madaxweynaha iyo Madax-dhaqmeedka Awdal ayaa ku soo beegmaya Maalmo ka dib isku soo baxyo ay Boorama ka sameeyeen Dhallinyaro Diiddan Doorasho Bilaa Saami-qaybsi ah”

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Axadda maanta la kulmaya Madax-dhaqmeedka gobolka Awdal.

Ma jiro warar rasmiya oo ka soo baxay ajandaha kulanka maanta dhex maraya Madaxweynaha iyo Madax-dhaqmeedka gobolka Awdal, balse ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in madaxweynuhu uu madax-dhaqmeedka reer Awdal uu kala hadlayo Saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland oo ay muddo dheer ay dood ka qabaan reer Awdal isla-markaana saluugsan yihiin tirada kuraasta ay ku leeyihiin imika golaha wakiilada, kuwaas oo dhan 13 Kursi.

Kulanka maanta dhacaya ayaa imanaya laba maalmood uun ka dib, markii ay magaalada Boorama isugu soo baxeen boqollaal dhalinyarada wax baratay ah, kuwaas oo diiddan in gobolka Awdal laga qabto doorasho aan ku salaysnayn Saami-qaybsi sharci ah, isku soo baxyadaa oo ka dambeeyay heshiis saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ka gaadheen in doorashada golaha wakiillada lagu galo sidii hore oo ah sida reer Awdal diiddan yihiin.

Madaxwynaha ayaa la filayaa inuu doonayo inuu Madax-dhaqmeddka oo ah hoggaanka beelaha Awdal inuu ku qanciyo in doorashada lagu galo sidii lagu galay doorashadii wakiillada ee sannadkii 2005-tii.

Doorashadii 2005-tii ayaa la waafajiyay 33-kii kursi ee baarlamaankii lixdankii ee Somaliland oo gobollo loo qaybiyay 2.5, laakiin habkaasi waxaan ku qanacsanayn Reer Awdal oo ka helay 13 Kursi iyo Beelo kale.

Source Geeska Afrika.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM