Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka “hordhaca” ah ee ay yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada
“Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka”, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo.
Madaxtooyada ma bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan qodobada wadatashiga ee lagu heshiiyay iyo goorta uu furmaya shirka rasmiga ah.
