Wasiirka arrimaha dibedda Nigeria Geoffrey Onyeama ayaa laga helay xannuunka Covid-19.
Waxa uu xubin ka yahay guddiga dowladda Nigeria u qaabilsan ka jawaabcelinta coronavirus
Mr Onyeama ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay inuu isku karantiilaya xarun caafimaad. Wuxuu intaasi ku daray inuu baaritaanka sameeyay kadib markii uu isku arkay cuncun dhuunta ah, taasoo ah mid ka mid ah calaamadaha fayraska korona
