Ka dib 86 sano oo uu madxaf ahaa, dhismaha Aaya Soofiya ayaa maanta lagu tukanayaa salaadda Jimcaha, waxaana halkaas isugu tagay dad aad u badan oo Muslimiinta Turkiga ah.
Dhismahan ku yaalla magaalada Istanbul waxaa masaajid ka dhigtay dowladdii cismaaniyiin ka dib markii ay masiixiyiintii haystay halkaas ka qabsadeen sannadkii 1453-dii.
Dadka Muslimiinta ah ee Turkiga iyo kuwo ku sugan daafaha caalamka ayaa soo dhoweeyay arrintaas.
“Muslimiinta wey faraxsan yihiin, qofkastana wuxuu doonayaa inuu ka qeyb galo furitaanka,” waxaa sidaas yiri barasaabka magaalada Istanbul, Cali Yerlikaya.
Warbaahinta dalalka Islaamka ayaa si kala duwan u falanqeeyay go’aanka madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ku gaadhay in matxafka Aayaa Soofiya laga dhigo masaajid.Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in dhismahan Aayaa Soofiya uu u furan yahay dhammaan Muslimiinta, dadka aan Muslimiinta ahayn iyo dalxiiseyaasha.
Faallooyinka ay qorayaan saxafiiinta wadamadaasi waxa ka muuqda in ay aad ugu kala aragti duwanyihiin go’aanka xukuumadda Turkiga.
Qaar badan ayaa aad u ammaanay go’aankaas oo ku nuuxnuuxsaday in Aayaa Soofiya tahay goob leh summad Muslim, halka kuwo kalena talaabadaa dhaliileen oo ay sheegen in ay aad uga fogtahay nidaamkii Cilmaaniga ahaa ee Mustafa Kemal Ataturk seeska u dhigay.
Waxa kale oo iyaguna jira faalooyin ay qoreen saxafiyiin kale oo ay ku sheegayaan cawaaqibka ka dhalan kara go’aankaas, gaar ahaan marka la eego xidhiidhka Turkiga iyo dalalka reer Galbeedka.
Aayaa Soofiya waxa dhistay imbiraadooriyadii Baysantayn 1500 oo sano ka hor waagaas oo magaalada Istanbul ee uu dhismahani ku yaal la odhan jiray Constantinople.
Waxa uu dhismuhu ahaa mudo dheer kaniisad weyn, hase yeeshee waxa ay imbiraadooriyadii Cismaaniyiintu gacanta ku dhigtay magaaladii Constantinople ee uu ku yaallay cah-digii uu Maxamed Al-Faatix markii taariikhdu ahayd 29 May 1453.
Suldan Maxamed Al-Faatix ayaa markii dambe ka dhigay goobta masaajid weyn oo dib ayaa loo dayac tiray dhismaha waxaana lagu daray dhisme cusub oo mixraab xaga qiblada ah. Laakiin quruxdiisa iyo qaab dhismeedkiisii guud waxba lagama bedelin ee waa la sii bilay.
Waxaa Suldaanku u xilsaaray farshaxankii ugu xirfadda badnaa waagaa in ay ku sharraxaan dhismaha qoraallo aayado Quraan ah oo inta badan ah waxyaabaha lagu yaqaan in lagu qurxiyo masaajidada.
Tan iyo waagaa markii ay Cismaaniyiintu gacanta ku dhigeen magaaladii Constantinople ee magacii magaalada loo bedelay Istanbul oo noqotay magaalo madaxdii khilaafada, waxa uu dhismaha Aayaa Soofiya ahaa masaajid.
Hase yeeshee markii ay duntay khilaafadii Cismaaniyiintu Dagaalkii Labaad ee Dunida ka dib, ee uu Mustafa Kemal Ataturk aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga ee casriga ah, ayaa sannadkii 1953, oo ah sagaal sano uun ka dib markii dawladi Turkiga ee lagu dhisay mabaa’diida Cilmaaniyada la hirgeliyey, waxa la go’aamiyey in dhismahaa laga dhigo goob matxaf ah.
Matxafkaa waxa uu tan iyo waagaa soo jiidan jiray oo u dalxiis tagi jiray in ka badan saddex milyan oo qof sannadkiiba.Halkii marba 1,000 qof ayaa la ogolaaday in qeyb ka mid ah gudaha dhismaha ay ku tukadaan.
Laakiin tan iyo sannadkii 2013 ayaa hogaamiyeyaal diineed oo Muslimiin ahi bilaabeen olole ay ku doonayaan in mar labaad lagu soo celiyo Aayaa Soofiya masaajidkii uu ahaan jiray.
Go’aankaa madaxweynaha iyo maxkamadda dalkaasi ku ansixiyeen in masaajid lagu soo celiyo dhismaha ka dib, ayaa wuxuu haatan si rasmi ah u noqday masaajid. Markii ugu horraysay ee muddo dheer ka dib laga eedaamo masaajidka ayaa dadkii hor tubnaa maalintaasi damaashaad iyo takbiir farxadi ka muuqatay ku soo dhaweeyeen.