GAAROODI NEWS NETWORK

Taariikh Nololeedka Musharxa Golaha Deegaanka Degmada Hargeisa , Cali Xasan Cawaale Oo Kooban

Taariikh nolaleedka Musharxa Golaha degaanka degm. Hargeisa , Cali Xasan Cawaale oo kooban
____________________________________

Wa kuma Musharax Cali Xasan Cawaale?

musharax Cali Xasan Cawaale, Wa muwaadin rer somaliland ah. oo degan magaaalada hargeisa.

Waxa u dhashay, november 20, 1976,
waxa u ku dhashay hargeisa.

Waxbarashadiisi hoose dhexe, sare ilaa her jaamacadeed waxa u ku dhamaystay ama ku qaatay, dalka somaliland .

sanadii 2013, ayaa uu digree giisi kowaad ka qaatay jamacada hargeisa, qaybteed maamulka iyo xisaabaaadka.

Waayo aragnimada shaqo.

Musharax Cali xasan Cawaale, waxa u shaqadii u horaysay, bilaabay, 1997, waxaanu ka shaqo galay dawlada hoose, ee hargeisa Waaxda Dabagalka iyo badhista halkaas oo u ka shaqaynaya ilaa 1998. dabayaaqadiisi.

1999, Waxa u ka shaqo galay Wasaarada Arrimaha gudaha, waxaanu ka mid ahaa shaqaalihii dawladeed ee u horeyay, ee hay,ada shaqaaluhu ka qaado imtixaanka , 2000, halkasi oo u ku soo baxay Darajada B.

Cali Xasan cawaale waxa uu wasaarada Daakhiliga ka shaqaynayay, mud, 18 SANO ah oo ka bilaabantay 1999- 2017.
Waxanu uu ka soo qabtay Xilal kala duwan. oo kala ah sidan.

1999, 2003, Xoghaynta Wasiir kuxigeenka w. arrimaha gudaha.

2003, 2010, Xisaabiye Waaxeed.

2010, 2012. Agaasimaha Waaxda Gobalada Dhaqanka iyo siyaasada w. Daakhiliga.

2012- 2014. Agaasimaha Waaxda jinsiyadaha Qaranka, iyo Xidhiidhka Dadweynaha.

Waxanu ahaa Agaasimihii hal abuuray, formka jinsiyada, ee Maanta isu bedelay, (National id card) ama Kaadhaka dhalashada.

Waxa kale oo u lahaa hal abuurida Doorka ay M. dhaqmeedku ku leeyihiin. (National id card) ama kaadhka aqonsiga Jsl. kaasi oo ah in ay madax
dhaqmeedku yeeshan.awooda damaanada muwaadinka qaadanaya Kaadhka dhalashada.

Sidoo kale waxa u ahaa agaasimihii fulinayay, Diwaangalintii, lagu qaadanayay National id card

2014- 2017 Waxa u noqday marlabaad Agaasimaha waaxda gobolada Dhaqanka iyo siyaasada W. arrimaha gudaha.

halkaas oo iyada u laha hal abuurka ama dejinta xeerka madax dhaqmeedka ee Wasaaradu ku maamusho madaxdhaqmeedka jsl.

2017-2018. Waxa lo magacaabay Xoghayaha fulinta D. hoose ee hatgeisa.

Mudo Sanad ku dhaw oo u xilka hayay waxa u hirgaliyaya, arrimahan:-

1. Toosinta Maamulka dawlada hoose iyo soo celinta nidaamkii shaqo ee shaqaalaha iyo shaqada.
2. Kor u qaadida dakhliga Dawlada hoose, oo halkii ugu saraysa abid gaadhay

3. Kordhinta Mushaarooyinka shaqaalaha qaybta cashuraha oo ah shaqaalaha ugu badan, korshintaas oo dhamayd, 100% laba laab.

4. Dhismaha jidad ka magalaada badhtamaha iyo kuwa degmooyinkaba, kuwas oo tiro ahaan dhan 21 jid, oo magalada hargeisa ah. ayadoo jidadkaasi ayna wax contrabution ah ku lahayn dadweynuhu marka laga reebo Sadex jid oo kamida, dhaman inta kale waxa lagu fuliyaya dakhligii dawlada hoose.

5. Nalaynta jidadka oo lights lagu xidhay jidadka halbawlayaasha ah.

6. Dhismaha Xarumo dabdamis, iyo sariibado laga dhisay Degmooyinka qaar.

7. Bixinta iyo sifaynta Dhaamanba Deymihii Faraha badnaa ee lagu laha Dawlada hoose, dhanka daymaha shacabka iyo kuwo mushaaro oo shaqaalahu lahaayeenba.

8. Nidaaminta iyo sixida Xisaabadka Lacageed ee Dawlada hoosw kuwaas oo haba yaraate aan hore u lahayn qaab control iyo qaab xisaabeed oo lagu ilaaliyo amaagu kantaroolo.

9. La dagaalanka Musuqmaasiqii bahsanaa ee ka jiray Maamulka.D. hoose.

10- Waxa u ahaa Xoghayihii kowaad ama.masuulkii kowaad ee asagoo Xilka haya ama ku fadhiya kursiga ka hadlay musuqmaasuqa iyo tagrifalka hantida umada, ee ka jiray markaa d. hoose, kuwas oo sabab u ahaayeen masuliyiintii kasaraysay. isla markaana si waadaxa ugu soo bandhigay, W. dakhiliga xukuumada dhexe, iyo bulshada somalilandba.

Nasiib daro waxyar kadib Sheegista musuqmaasuqii jiray ee iyo diidmadii uu kaga horyimid waxay sabab u noqotay in uu xilkiisi ku waayo ama lagaga caydhiyo shaqada musuqmaasuqa u so bandhigay awgeed. , halkii ay ahayd in lagu dalacsiiyo. aya lagaga qaaday shaqadiisi maxad u sheegtay musuqmaasuqa jira.

Ugu danbeyn. Cali xasan Cawaale, waxa uu u sharaxanyahay Sanadan 2020, golaha degaanka Hargeisa,

Waxa uu bulshada ku dhaqan Degmooyinka hargesia, inta jecel horumarka caasimada Daacadnimada,ee ka fog qabill qaraabo kiil, isla markaana neceb musuq maasuqa , iyo ku tagrifalka hantida umada , Waxan si mug iyo milgaba leh uga Codsanaya in ay Codkooda igu deeqaan, insha Allah Wakhtiga doorashada hadii Rabi idmo

Waa.mahadaantihiin.

Wa bilaahi Tawfiiq

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM