Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee barlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Gudoomiyaha golaha shacabka oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka ay diideen 8 xildhibaan.
Mursal ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisalwasaare cusub oo dalka u horseeda doorasho dadweyne.
” Sida uu faraya dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, waa in mdaxweynuhu si deg deg ah u soo magacaabaa ra’iisal wasaare iyo xukumad waddankan gaarsiin karta doorasho qof iyo cod ah muddadii loogu talagalay”, ayuu yiri Mursal oo shir jaraa’id qabtayGudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal
Guddoomiya Mursal ayaa ku eedeeyay xukumadda Kheyre inay ku guul dareystay arrimo dhowr ah oo muhiim u ahaa qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah. Qodobada uu Guddomiye Mursal sheegay inay xukumadda Kheyre ka gaabisay waxaa ka mid ah:
Xubnaha baarlamaanka
Xildhibaano ka tirsan golaha wasiiradda oo joogay fadhiga barlamaanka ayaa diiday dooda kalsooni kala noqoshada xukuumadda iyagoo ku tilmaamay go’aanka ridista xukuumadda mid ka timid gudoonka oo kaliya isla markaana aan sharciyad haysan.
“Waa maalin umada Soomaaliyeed mugdi u ah in guddooonka baarlamaanka uu si sharci darro ah udhaqmay. Waxaan laga rabaa inuu keneo caddeyn ah inay dood dhacday, eedeynta loo soo jeediyay xukumadda, xildhibaannada ay koodeen. Waxaas oo dhan ma dhicin, waana nasiib darro”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ah sidoo kale ah wasiirka amniga gudaha