GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiye Ciro Oo Baaq Nabadeed Udiray Beelo Walaalo Ah Oo Diriri Kudhex martay Deegaanka Adhi cadeeya Ee Gobolka Sool 

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Ayaa Baaq Nabadeed Udiray Beelo Walaalo Ah Oo Diriri Kudhex martay Deegaanka Adhi cadeeya Ee Gobolka Sool

Baaq Nabadeed:

Waxa aan u dirayaa baaqa nabadeed beelaha walaalaha ah ee colaaddu ku dhex martay deegaanka Adhi Caddeeye ee Gobolka Sool, walaalayaal waxa aan idinku baaqayaa nabad iyo in aydun colaadda joojisaan, colaadda inan baa ku dhinta, colaadda Hooyo ayaa ku goblanta, colaadda ubad baa ku agoomooba!

Xukuumadda Somaliland, madax-dhaqameedka, culimada iyo wax garadkana waxa aan ugu baaqayaa in ay u gurmadaan beelahaas walaalaha ah ee dirirtu dhex martay.

Nabad baa naas la nuuga leh.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM