GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweyne Deni Oo ka Hadlay Sida Uu U Arko Xil ka Qaadista Khayre

Deni oo ka hadlay xil ka qaadista Khayre

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay tallaabadaas ay sharci darro ahayd.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Khayre ayaa la sheegay in xilka looga qaaday mooshin ay u codeeyeen 170 xildhibaaan, balse isaga oo sheegay in arrintaas aan sharciga loo marin ayuu xilka iska casilay.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in arrinta xil ka qaadista ay tahay arrin lagu xagal-daacinayo wixii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM