GAAROODI NEWS NETWORK

Al-Shabaab:- Waxaan Rabnay Qaraxaa Inaan Ku Wiiqno Qaybta 27-aad ee Ciidanka

.

Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo lala beegsaday saldhig ay Qaybta 27-aad ee ciidanka Soomaaliya ku leedahay meel u dhaw garoonka Muqdisho Istaadyoom.

Xarakada Al-Shabaab oo qiratay in ay iyadu weerarkaa qaaday, ayaa sheegtay in ay goobaa bartilmaameedsanayeen saldhigaas, waxaanay intaa ku dartay in ay weerarkaa ay ku dileen tiro askar ah kuwo kalena ku dhaawaceen iyo in ay sidoo kale goobta ku gubeen gawaadhi dagaal.

Hase yeeshee ilaa haatan dawladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka midkoona wax war ah kamay soo saarin khasaaraha weerarkaa ka dhashay.

Laakiin ilow ku dhow dhow ciidanka oo BBC-da la hadlay ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh, in kasta oo aanay sheegin tiro rasmi ah.

Al-Shabaab waxay sheegeen in weerarkaasi ahaa mid ay doonayeen in ay ku curyaamiyaan milatariga Soomaaliya, gaar ahaa Qaybta 27-aad oo ka hawl gasha Hirshabeelle gaar ahaa gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan oo ay halkaa dagaallo badani ku dhex mareen.

Jawiga aagga saldhiggaa qaraxu ka dhacay ayaa haatan xasiloon walow goobta aan ilaa haatan loo ogolaan warbaahinta si ay u arkaan baaxadda khasaaraha dhacay.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM