Mas’uul sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa digniin u diray waddamada doonaya iney saameyn ku yeeshaan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka ee sanadkan 2020-ka dhaceyso.
War murtiyeed uu soo saaray agaasimaha Sirdoonka qaranka Mareykanka Willian Evanina wuxuu sheegay waddama shisheeye inay ku howlan yihiin “saameyn iney ku yeeshaan” cod bixinta doorashada.
Waddamadan “iney kala doorbidayaan cidda doorashada ku guuleysaneyso,” ayuu intaa ku daray.
Mas’uulkan sare ee sirdoonka Mareykanka wuxu sheegay Ruushka inuu faragelin uu ku sameeyey doorashadii 2016-ki dhacday oo uu madaxweyne Trump uu ka caawiyey ololahiisa dooorashada.
Balse Ruushka ayaa eeddaasi gaashaanka u daruuray.
Madawyene Trump oo Jmcihi shir jaraa’id qabtay oo wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan inuu ka qaado faragelinta uu sheegay in lagu hayo doorashada Mareykanka, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay maamulkiisu in “si dhow uu ula soconayo” arrinta.
Hadalka ka soo yeeray mas’uulka sirdoonka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxweyne Trump uu walaac ka muujiyey codbixinta doorashada ee ay dadku ku dhiibanayaan dhanka boostada.
Wuxuuna madaxweynaha uu soo jeediyey in doorashada dib loo dhigo si looga hortago “isdaba marin doorashada la xiriirta oo taariikda dalka Mareykanka dhacda”, isaga oo sheegay iney taasi dhabarjab ku tahay xataa xubnaha xisbigiisa ka tirsan
Wuxuu sida oo kale hadalkan uu ku soo beegmay xilli ay xubnaha sharci-dejinta ee ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ay sheegeen iney laamaha sirdoonka ay shacabka Mareykanka la wadaageyn macluumaadka la xiriiro faragelinta ay waddamada shisheeya ku hayaan cod bixinta doorashada sanadkan.
Madaxweyne Trump oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya doorashadan labaad inuu guul ka gaaro oo markale madaxweynanima loo doorto.
Ninka loollanka adag kula jira ee ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa ah madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka Joe Biden.
Musharraxa doorashada madaxweynaha uga qayb galayo xisbigia Dimuqraadiga Joe Boden oo ah madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa loollan adag ku haya madaxweyne Trump.
Willam Evanina, oo ah Agaasimaha xaruunta sirdoonka qaranka wuxuu Jimcihi soo saaray warmurtiyeed.
Mr Williams wuxuu sheegay waddamada shisheeye iney ku howlan yihiin iney musharrixiinta doorashada u taagan ay kala dortaan, oo ay beddelaan siyaasadda Mareykanka, “ayna doonayaan iney dalka Mareykanka ismaandhaaf ka abuuraan”, iyaga oo liidayo rabitaanka iyo kalsoonida shacabka Mareykanka iyo geddi socodka dimuqraadiyadda.
Agaasimaha Sirdoonka wuxuu intaasi ku daray iney ku adkaan doonto waddamada naga soo horjeeda iney faragelin ku sameeyaan ay saameeyaan codbixinta.
Waddama badan “waxay leeyihiin iney kala door bidaan cidda doorashada ku guuleysaneysa”, ayuu yiri, wuxuuna mas’uulku uu carrabka ku dhuftay waddamadaasi iney ka mid yihiin Shiinaha, Ruushka iyo Iran.
Shiinaha “Wuxuu doorbidayaa Madaxweyne Trump inaan markale la soo dooran maadaamaa ay Beijing ay isku wanaagsaneen”, waxaana warmurtiyeedka lagu sheegay “iney sii ballaadhisay dadaalladeeda ay ku faragelineyso” codbixinta soo socoto.
Madaxweyne Trump oo shir jaraa’iid qabtay Jimcihi wuxuu sheegay Ruushka “inuu faragelinkaro” doorashada sanadkan, balse wuxuu Trump meesha uu ka saaray inuu dalka Ruushka uu doonayo inuu ka caawiyo marlabaad inuu doorashada ku guuleysto. “Waxaan u maleynayaa qofka ugu dambeeya uu Ruusha doonayo inuu madaxweyne ka noqdo Mareykanka uu yahay madaxweyne Donald Trump, “cidna kama xoog badna sida aan anigu aaminsanahay.
Wuxuu sida oo kale sheegay Shiinaha inuu “jecelyahay” in doorashada looga guuleysto, isaga oo ku eedeeyey iney dalka Mareykanka hananayaan haddii doorashada uu ku guuleysto Joe Biden.
Warmurtiyeedkan laanta sirdoonka ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya kaddib marki ay xubno ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ay sheegeen iney ka walaacsan yihiin waddamada shisheeye saameynta ay doonayaan iney ku yeeshaan cod bixinta.
Hay’ado iyo mas’uuliyiin badan oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay Ruushka inuu saameyn weyn uu ku lahaa doorashadi madaxweynaha ee 2016-kii dhacday.
Madaxai hore ee FBI-da Robert Muller wuxuu baaritaan gaar ah uu u xilsaaray guddi baara codbixinta 2016-kii.
Dad badan oo qayb ka ahaa ololihi doorashada madaxweyne Trump ayaa xabsiga loo taxaabay laguna soo oogay dambiyo la xiriira baaritaanka Mr Muller uu sameeyey.
La-taliyihi hore ee amniga qaranka Michael Flynn waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu been ka sheegay xiriirka uu la laha mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ruushka, iyada oo ay maxkamadda kiiski laashay. Racfaan laga qaatay dacwaddaasina dib u dhageysigeeda la billaabayo dabayaaqada bishan