GAAROODI NEWS NETWORK

Khaladaadkii nuclear-ka ee lagu burburin gaadhay adduunka

.

Laga soo billaabo xayawaanno iska dhex galay meelo xasaasi ah ilaa cillado kumbuyuutarro ka yimid, waxaan eegi doonnaa dhacdooyin sabab u noqon rabay isticmaalka hubka sida ba’an wax u gumaada iyo sida ay u sahlan tahay in ay dhacaan khaladaad horseedi kara inuu qarxo dagaal la isku adeegsado nuclear.

Dad badan waxay iskudhac noocaas ah ku tilmaamaamaan inuu noqon doono Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka.

Xilli saq dhexe ah, oo taariikhdu ay ku beegneyd 25 October 1962, ayey diyaarad ku dageysay garoonka gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka, waxaana waddada diyaaradaha ku cararaan ku socday gaadhi isku dayay inuu ku hago qaabkii ay u cago dhigan lahayd.

Laakiin daqiiqado yar ka hor xilligaas, nin waardiye ka ah xarunta kormeerka iyo hagista ee Duluth ayaa isha ku dhuftay hooska wax uu dabcan u maleeyay ruux, oo isku dayaya inuu darbiga uga soo dhaco xaruntaas.

Rasaas ayuu riday wixii uu hooskiisa arkayay, isagoo ka cabsanayay inuu ahaa weerar Mareykanka looga soo qaaday dhinaca Midowgii Soviet.

Islamarkiiba waxaa la sii daayay astaamaha qeylodhaanta ee muujiya marka dal lasoo faragaliyo. Waxaa seeriga qeylodhaantaas laga yeedhiyay dhammaan saldhigyadii ciidamada cirka ee ku yaallay aaggaas.

Xaaladdu waxay usii xumaatay si deg deg ah oo taariikhda gashay. Taas waxaaba kasii darneyd markii saldhig ay ciidamada cirka lahaayeen oo halkaas u dhawaa ayuu qof ka sameeyay khalad kale. Halkii uu daari lahaa qeylo dhaanta digniinta ee caadiga ah ayuu daaray mid ka duwan taas. Dhammaan duuliyeyaashii ayaa maqlay digniin deg deg ah oo u sheegeysa inay durba diyaaradaha kiciyaan..Shimbiraha noocan ah ayaa lagu yaqaannaa inay bixiyaan qeylodhaan been abuur ah

Wax yar kaddib hawadii oo idil way isqabsatay, dhammaan diyaaraihii oo uu saaran yahay hubka nuclear-ka ayaa cirka wada galay.

Xilligaas waxaa taagnaa xasaradihii gantaallada Cuba, oo ah waddan ay cadaawad weyn kala dhaxeysay Mareykanka, qof walbana dhagta ayuu kor u taagayay.

11 maalmood ka hor waqtigaas, diyaarad basaas ah ayaa sawirro kasoo qaadday gantaallo ay Cuba u tijaabineysay si qarsoodi ah iyo taangiyo kuwa dagaalka ah, waxaana soo baxay warar sheegayay in Soviet-ka ay abaabulayeen weerar ay ku qaadaan meelo ka mid ah Mareykanka.

Dhammaan dunidu waxay ogeyd in hal duqeyn oo uu sameeyo mid ka mid ah waddamada Mareykanka ama Ruushka uu isu baddali lahaa xaalad aan la saadaalin karin.

Laakiin markaas wixii dhacayay, ma ahayn wax gabi ahaanba run ah – ugu yaraan ma ahayn wax uu bani’aadan sababay. Wixii hooskiisa laga arkayay darbiga wuxuu ahaa xayawaanka loo yaqaanno Oorsada, oo madow. Sidaas darteed khalad dhacay dartiis ayaa loo adeegsan rabay nuclear.

Diyaaradihii la kiciyay ayaa loo sheegay in ay saldhigyadoodii ku laabtaan. Duuliyeyaasha markii ugu horreysay ee ay tallaabada qaadayeen waxay si xaqiiqo ah u hubeen in uu billowday Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka..Habka loo rido gantaal la mid ah kii uu Ruushka khatarta u maleynayay

Haddii aan maanta eegno caalamka, waa la illoobay xiisadihii hubka halista ah ee taagnaa 1960-meeyadii. Taas baddalkeeda waxaa la hadal hayaa isbaddalka cimilada.

Waxaa xitaa si sahlan lagu illowsan yahay in Adduunka ay yaallaan qiyaastii 14,000 oo bambooyinka nuclear-ka ah. Haddii bambooyinkaas la adeegsado waxay dili karaan qiyaastii saddex bilyan oo ruux.

Arrinta kaliya ee aan la isweydiinin waa in waxaasi ay ku dhici karaan si khaldan oo isfaham darro ah.

Tan iyo markii lasoo saaray hubkan, waxaa la xaqiijiyay ilaa 22 jeer oo khaladaad noocaas ah ay dhaceen, qarkana loo istaagay in la adeegsado hubka wax gummaada ee nuclear-ka.

Sanadkii 1958-kii, diyaarad ayaa si kama’ ah bambo nuclear ah ugu ridday guri ay qoys dagganaayeen qeybtiisa dambe. Waxaa mucjiso noqotay in qofna uusan ku dhimanin shilkaas, inkastoo digaag ay qoyskaas lahaayeen uu halkaas ku le’day..Goobtii uu xayawaanka loo yaqaanno Oorsada khatarta ka abuuray sanadkii 1962-kii

Waxyaabaha noocan ah waxay dhaceen xilli aad u dhow oo ahayd 2010-kii, markaasoo ciidamada cirka ee Mareykanka ay xakameyn waayeen 50 gantaal oo ay ku rakiban yihiin madaxyada nuclear-ka, taasoo ka dhigan in muddadaas gudaheeda aan waxba laga qaban karin haddii ay gantaalladaas faraha ka baxaan.

25-kii bishii January ee sanadkii 1995-kii, madaxweynihii Ruushka ee xilligaas, Boris Yeltsin, ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee taariikhda adduunka ku galay “in boorso yar gacanta lagu qaadan karo loogu xiray qalabka laga hagi karo hubka nuclear-ka” – taasoo marka uu damco uu ka adeegsan karo weerar bambooyinka nuclear-ka ah.

Kooxdii dhinaca radar-ka u qaabilsaneyd Yeltsin ayaa ogaaday in gantaal laga riday xeebta Norway, waxayna arkayeen gantaalka oo hawada sii galaya. Xagee loo waday gantaalka – ma yahay mid cadaawad wata? Maadaama Yeltsin uu gacanta ku heystay “boorqada nuclear-ka” wuxuu lataliyeyaashiisa kala arrinsanayay inuu isagana ku jawaabo weerar rogaalcelin ah.

Iyadoo daqiiqao uun ay ka harsan yihiin inuu go’aan gaadho, ayey garteen in gantaalka uu ku wajahnaa badda, wax halis ahna uusan ku ahayn..Sarkaal milatariga ka tirsan oo sida boorsooyin ay ku jiraan qalab loo adeegsado nuclear-ka

Goor dambena waxaa la ogaaday in gantaalka la riday uusan ahayn nuclear, balse uu ahaa hab seynis ah oo baadhitaan lagu sameynayay.

Wax micno ah kuma fadhido in hubka nuclear-ka loo isticmaalo sabab ku timid khalad ama dagaal run ah, laakiin mar haddii si run ah loo rido lama soo celi karo.

“Haddii madaxweynaha uu ka falceliyo qeylodhaan aan waxba ka jirin, kaddib wuxuu si kama’ ah u billaabayaa dagaal la isu adeegsado nuclear,” ayuu yidhi William Perry, oo kasoo shaqeeyay Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka, xilligii uu madaxweynaha ahaa Bill Clinton.

“Ma jiro wax la qaban karo markii la fasaxo nuclear-ka. Gantaallada dib looma soo celin karo, lamana burburin karo inta ay dhexda kusii jiraan,” ayuu yidhi.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM