GAAROODI NEWS NETWORK

Daawo:- Mid Ka Mid Ah Beelaha Dega Koonfurta Bariga Iyo Badhtamaha Hargeisa Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Murashaxa U Matalaaya Golaha Deeganka Caasimada Hargeisa + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodi-News) Musharax Eng Fadxi Jaamac Baaruud oo loo cumaamaday isla markaana loo xulay xildhibaanka rasmiga ah ee u taagan golaha deegaanka Hargeysa gaar ahaana ardaaga (BILGOB) Bilaal iyo Gobdoon ee beelaha Ciidagale.

Munaasibad meeqaam sare oo loo qabtay shaacinta musharax Eng Fadxi Jaamac Baaruud ayaa ka dhacday caasimadda Hargeysa waxana kasoo qayb galay Madax dhaqameed, Ganacsato, Aqoonyahan, dhalinyaro, culima aw diin Siyaasiyiin iyo xubno kamid ah haldoorka ardaaga (Bilgob).

Madaxdii kala duwanayd, hogaanka dhaqanka iyo aqoon yahanka ardaaga Bilaal iyo Gobdoon oo shirkaa ka hadlay ayaa sheegay in Musharax Fadxi Jaamac Baaruud uu yahay musharaxa golaha deegaanka Hargeysa u tartami doona iyagoo caddeeyay in ugu dambayn loo tanaasulay isla markaana laysku raacay Musharax Eng Fadxi Jaamac Baaruud. Waxanay ku baaqeen in taageero buuxda guda iyo dibadba lala garab istaago Musharaxa.

Musharax/Xildhibaan Fadxi Jaamac Baaruud oo kamid ah dhalinyarada aqoon yahanka ah ee caasimadda Hargeysa isla markaana waayo aragnimo dheer u leh shaqada dawladaha hoose ayaa loogu maarmi waayay inuu golaha deegaanka u matalo shacabka degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ee Hargeysa.

Musharaxiinta ardaaga Bilaal iyo Gobdoon ee hore isu soo taagay ayaa sheegay inay soo dhawaynaya isla markaana u tanaasuleen Xildhibaan Fadxi Jaamac Baaruud iyagoo ka talinaya danta ardaaga iyo inaan la kala jabin.

Geesta kale waxa shirkaasi loogu duceeyay musharaxiintii hanka lahaa ee ardaaga ee hore u shaaciyay inay u tartamayan golaha deegaanka Hargeysa iyadoo lagu amanay go’aanka fiican iyo ducada ay qaateen.

Ugu dambayna musharax Eng Fadxi Jaamac Baaruud oo madasha ka hadlay ayaa u mahad celiyay musharaxiinta ardaaga (Bilgob) ee u tanaasulay isla markaana gartay inay taageeraan, musharax ayaa sheegay in uu muddo 17 sano ah ka shaqaynayay dawladda hoose taasina ay u tahay khibrad uu u leeyahay hawlaheeda. Waxaanu ardaaga ka cossaday in la garab istaago oo aan halkaas lagaga hadhin.

 

Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka Warka:- 

 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM