GAAROODI NEWS NETWORK

Hadalkii Qoor-qoor Maxaa Loo Fasiran Karaa?

Shirkii Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa baaq u diray madaxda dowlad goboleedyada ka maqan shirka dhuusamareeb-3 oo ay ku ballan sanaayeen madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Madaxweyne Qoor-qoor oo xalay ka hadlau Dhuusa Mareeb wuxuu sheegay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee ka maqan shirka ay ku han weyn yihiin iney ku soo biiraan kulanka ka socda Dhuusamareb.

Qoor-qoor ayaa sheegay in wixii jira madasha lagu dhammeyn karo, balse farriimo hawada la iisu mariyo aysan xal u noqoneyn xaaladda dalka Soomaaliya uu haatan ku sugan yahay, wixii kala duwanaasha ee jirana wadahadal lagu dhammeyn karo, isaga oo sheegay inuu furmay wajiga koobaad ee shirka dhuusamareeb-3.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaa ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, ayna tixgeliyaan oo ay qadariyaan gogosha reer Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Haddaba, arrimaha ku gadaaman shirka dhuusamarebe-3 ee ay ballansanaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwo federaalka iyo isfaham la’aanta madaxda soo kala dhex gashay maxaa lagu micneyn karaa? Shir se ay ka maqan yihiin labada dowlad goboleed maxaa ka soo bixi kara?

Dr Max’ed Axmed Shekh Cali oo ka faallooda arrimaha siyaasadda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay “inuusan u maleynaynayn in qolyaha Dhuusamareeb joogo ay rajo ka qabaan in haddii aysan shirka ka soo qeyb gelin hogaamiyeyaasha Punland iyo Jubaland ay wax miradhal ah ka soo baxaan shirka.”

“Anigoo ka duulaya hadalka madaxweyne Qoor-Qoor, weli waxaa muuqata rajo ah in madaxda labada maamul goboleed ay ka soo qeyb galaan shirka ayna weli furantahay gogosha.”

Maxaa lagu macneyn karaa baaqyada kala duwan ee ay soo jeediyeen Puntland iyo Jubaland kuwaas oo ku aaddan in shirka Dhuusamareeb ay Beesha Caalamka ka soo qeyb gasho?

“Waxaa lagu macneyn karaa iney jirto kalsooni darro ay ku qabaan madaxweynaha, sababtoo ah kaddib markii la laabtay shirkii Dhuusamareeb 2 waxaa dhacay falal ay ka mid ahaayeen in raysal wasaarihii la riday, waxaa dhacday in guddigii farsamada ee lagu ballansanaa iney Dhuusamareeb ku shiraan aysan ku shirin.

“Waxaa kaloo dhacday in madaxweyne Farmaajo uu soo maray baarlamaanka uuna u ballan qaaday in waxkastoo ka soo baxo shirka Dhuusamareeb ay go’aanka ugu dambeeya iyaga leeyihiin, waxyaabahaasi oo dhan waxay abuureen dareen ah in Farmaajo uu doonayo inuu arrinta ku socodsiiyo sida isag uu wax u rabo.” ayuu yiri Max’ed Axmed Shekh Cali oo BBC-da u warramay.Kulan hore oo ay baarlamaanku yeesheenKulan hore oo ay baarlamaanku yeesheen

Golaha shacabka ayaa 25-kii July kalsoonida kala laabtay Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadda uu hogaaminayay. Tan iyo markaasina waxaa si kumeelgaar ah xilkaasi u hayay ra’iisal wasaare kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtidii golaha shacabka u jeediyay khudbad nuxurkeedu ahaa in heshiis kasta oo lagu gaaro Dhuusamareeb uu ku soo celin doono golahaasi.

Arintaasi ayaa waxaa ka qaadacay gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo madaxweynaha ku tilmaamay mid ku xadgudbay darstuurka dalka.

“Waxaa intii mudda ahba jiray culeys iyo khilaaf u dhaxeeya madaxwyenayaasha Puntland iyo Jubaland hase yeeshe waxaa kalsooni abuuray shirkii Dhuusamareeb oo u muuqday iney isu soo dhowaadeen madaxda waxaana la filayay in shirkan dambe uu noqda mid mira dhala balse haatan ima muuqato rajadaasi”.

“Madaxweyne Qoor-Qoor oo fidiyay gogosha shirka ayaa waxay ahayd inuu halkii ka sii wado dadaalkiisa balse khudbadda uu jeediyay waxay u muuqatay inuu la saftay madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo marka sidaa darteed laba saf ayay noqdeen oo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye waa uu ka baxay dhex-dhexaadnimadii.”Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa KaraashMadaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Karaash

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka fashilinta natiijooyinkii ka soo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, waxaana ay ugu baaqday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu soo magacaabo ra’iisal wasaare qeyb ka noqda fulinta heshiisyada laga gaaro qabsoomidda doorashada dalka ee 2020/2021.

Puntland ayaa soo jeedisay in ka hor qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 heshiis siyaasadeed la gaaro, kadibna ay shirkaasi ka qeybagalaan dhammaan madaxda federaalka, maamul goboleedyada iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya “si ay u damaanad qaadaan hirgelinta natiijada shirka”.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa war ka soo saartay mowqifkeeda ku aadan shirka Dhuusamareeb 3 iyadoo ugu baaqday in Beesha Caalamka ay Soomaalida ka caawiso qabsoomidda shirkaasi oo loo dhan yahay, lagana mira dhaliyo natiijooyinkiisa.

Hadallada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay meesha ka saareyaan kalsoonidii lagu qabay in Soomaali kaligeed oo aysan jirin cid dhex-dhexaaddineyso ka tashadaan aayaha dalkooda.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM