GAAROODI NEWS NETWORK

Yaa ka Dambeeyay Afgembigii Mali?

Yaa ka dambeeyay afgembigii Mali?Mali

Maskaxdii ka dambeysay afgembigii ka dhacay Mali ee shalay xukunka looga tuuray Madaxweyne Ibrahim Keïta waxaa ku jira ku xigeenka madaxa xero milatari isla markaana ah janaraal ku soo tababartay Faransiiska.

BBC Monitoring ayaa wax ka qortay taariikhda saddex hoggaamiyeyaal sare oo milatariga ka tirsan kuwaasoo loo maleynayo inay door weyn ka cayaareen afgembiga.

1. Col Malick Diaw

Waa ku xigeenka madaxa xerada Kati halkaas oo uu kacdoonka ka soo bilowday.

Xog yar ayaa laga hayaa marka laga reebo warar sheegaya inuu dhowaan ka soo laabtay tababar uu ku soo qaatay Ruushka.

Wuxuu dhinac taagnaa ku xigeenka Ciidamada Cirka Korneel Ismael Wagué oo saakay ku dhawaaqay in milatariga ay la wareegeen xukunka.

“Korneel Diaw waxaa la rumeysan yahay inuu ahaa hoggaamiyihii kacdoonka ee xerada Kati, oo 15km [sagaal meyl] u jirta Bamako. Waxaa la sheegay inuu madaxweynaha jamhuuriyaddaas ugu baaqay inuu xilka ka dego kahor 02:00 pm [1400GMT],” qoraalka barta Twitter-ka la soo dhigay ayaa sidaas lagu sheegay.

2. Col Sadio Camara

Korneel Camara waa agaasimihii hore ee machadka milatariga Kati.

Wargeyska Mali Tribune ayaa lagu shaaciyay in ninkan uu sanadkii 1979 ku dhashay Kati, oo ku taalla gobolka koofurta Mali ku yaalla ee Koulikoro.

Wuxuu buundooyin sare kaga qalin jebiyay machadka milatariga Koulikoro. Waxaa kaddib la geeyay waqooyiga Mali halkaas oo uu la shaqeynayay Janaraal El Hadj Gamou ilaa sanadkii 2012.

Korneel Camara wuxuu kaddib noqday agaasimaha machadka milatariga Kati, wuxuuna xilkaas hayay tan iyo bishii January sanadkan, kaddibna Ruushka ayuu tababar ugu baxay.

Wargeyska Mali Tribune ayaa sheegay in korneelka uu Bamako ku soo laabtay horraantii bishan si uu ugu qaato bisha fasaxa ah ee uu haystay.

“Korneel Camara waxaa bogaadin jiray waxaana xushmad u haya dhammaan dadkii ka hooseeyay. Wuxuu u yahay qof go`aan iyo karti leh,” ayaa lagu qoray bartaas.

3. Janaraal Cheick Fanta Mady Dembele

Janaraal Cheick Fanta Mady Dembele waa agaasimaha guud ee machadka nabad-ilaalinta Alioune Blondin Beye. Waxaa loo dallac siiyay janaraal sare bishii May 2018 wuxuuna hoggaanka machadka nabad-ilaalinta ku soo laabtay bishii December 2018.

Kahor intaan loo magacaabin hoggaanka machadka, Gen Dembele wuxuu xallinta khilaafaadka iyo qorsheynta istaraatiijiga ah u qaabilsanaa Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Addis Ababa, Ethiopia.

Gen Dembele wuxuu ka qalinjebiyay machadka milatariga Saint-Cyr ee dalka Faransiiska. Wuxuu sidoo kale ka qalin jebiyay Kuleejka General Staff ee Koulikoro, Mali. Wuxuu ahahaado maaddada taariikhda ah ka heystaa Jaamacadda Paris I Panthéon-Sorbonne.

Wuxuu sidoo kale shahaadada master-ka ee cilmiga injineeriyadda ka qaatay Jaamacadda Federal Army ee magaalada Munich, Jarmalka.MaliJanaraal Cheick Fanta Mady Dembele

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM