telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Weriyihii Kenya U dhashay Ee ku Xirnaa Itoobiya Oo La Sii Daayay

Weriyihii Kenya u dhashay ee ku xirnaa Itoobiya oo la sii daayayYassin JumaXiritaanka Yassin Juma ayaa caro ka abuuray caalamka

Weriye Yassin Juma oo u dhashay Kenya ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Itoobiya, toddobaad kaddib markii uu qareenkiisa sheegay in isagoo xabsiga ku jira laga helay xanuunka coronavirus.

Waxaa haatan loo gudbiyay xarun karantiil oo ay dowladdu maamusho si loo daweeyo, waxaana loo oggolaan doonaa inuu Kenya ku laabto marka uu bogsado.

Mr Juma, oo ah weriye madax bannaan, ayaa caasimadda Addis Ababa lagu xiray bishii July, kaddib kacdoonkii ka dhacay dalkaas eek a dhashay dilkii fannaanka qowmiyadda Oromada ka soo jeeda ee Hachalu Hundessa.

Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkan dhexdiisa amartay sii deyntiisa, waxayna sheegtay in “khalad lagu xiray”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay in weriyaha la sii daayay kaddib markii safaaradda Kenya ee Itoobiya ay dhowr qoraal cabasho ah u dirtay xukuumadda Addis Ababa.

Dilka Mr Hachalu ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo badankood ka dhacay gobolka Oromia, oo hoy u ah Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya.

Ku dhowaad 200 oo qof ayaa rabshadahaas ku dhintay halka 9,000 oo kalena loo xiray. Kuwa weli xabsiga ku jira waxaa ka mid ah siyaasiyiin caan ah iyo weriyeyaal.

Waxaa jira warar sheegaya in dibadbaxyo cusub ay ka bilowdeen Oromia, kuwaasoo looga soo horjeedo xiritaanka joogtada ah ee lagula kaco hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee gobolka ka soo jeeda.

Xoogagga ammaanka dalkaas ayaa lagu eedeeyay inay rasaas ku fureen dibadbaxayaasha xilligii ay mudaaharaadyadu socdeen, iyagoo dilay tiro dad ah kuwo kalena dhaawacay, sida laga soo xigtay isbitaallada.

Xubno ka tirsan qowmiyadda Oromada ee Mareykanka ayaa iyaguna waddooyinka dalkaas ka dhigayay dibadbaxyo.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom