AddisAbaba(Gaaroodinews) Madaxa Hogaanka Saadka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland
Gaashanle Khadar Mohamed Ciise Ayaa Maanta Ka Qalinjebiyey Kuuliyada Abaanduulka Sare Ee Ciidamada Ethiopia ( Defense Command And Staff College) Oo Uu Ku Diyaariyey Hogaaminta iyo Hawlgalada Ciidamada (Military leadership and operations)
Gaashaanle Khadar Maxamed Ciise Ayaa Mudooyinkii Udanbeeyay Waxa Uu Kujiray Kuuliyadaas Isaga Oo kamid Ahaa Ciidamo Iyo Saraakiil Katirsan Ciidamada kala Duwan Ee Qaranka Somaliland Ee Kaalmada Waxbarasho Kahelay Dalka Ethiopia Waxaanuu Soo Bartay aqoon Kutacaluqta Hogaaminta iyo Hawlgalada Ciidamada Taasoo Waxwayn Katari Doonta Dhismaha Iyo Horumarka Ciidamadeena Bada Oo Uu Gaashaanle Khadar Maxamed Ciise Uu Katirsan Yahay
Dhabka Kale Waxaa Lafilayaa Inuu Gaashaanle Khadar Maxamed Uu Udalaci Doono Darajada Gaashaanle Dhexe Iyada Oo Hore Loo Ogaa Inuu Madaxwaynaha Qaranka Somaliland Uu Dalacsiiyay Ciidamo Kala Duwan Oo Soo Dhamaystay Kuuliyadaha Waxbarashada Ciidamada Ee Ethiopia
Hargeisa/Office
GAAROODINEWS