GAAROODI NEWS NETWORK

Dumarka Somaliland Ma heli Doonaan Qoondo Siyaasadeed Oo Ku Filan?

Gabdho saf ugu jira in ay codeeyaanGabdho saf ugu jira in ay codeeyaan

Haweenka Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa olole adag ugu jira sidii ay kaalin muuqata uga ciyaari lahaayeen siyaasadda.

Dhawaan waxaa la filayaa in Somaliland ay ka qabsoomaan doorashooyinka golaha deegaanka iyo kuwa Aqalka Wakiillada, balse waxaa wali taagan walaac laga qabo in dumarka aysan helin qoondo ku filan.

Nafisa Yussuf Maxamed oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqda dumarka, ahna agaasimaha guud ee dallada haweenka ee Nagaad, ayaa BBC-da u sharraxday dadaalka ay ugu jiraan sidii ay markan u heli lahaayeen matalaad siyaasadeed oo ay ku qanacsan yihiin.

“Sannadkan waxaan aad ugu rajo weyn nahay in la helo qoondada dumarka, oo ah boqolkiiba 22% iyo in dumarka ay heli doonaan qoondadii uu madaxweynuhu u saxiixay, taas ayaana runtii noo qorsheysan,” ayey tidhi.BIIXIMadaxweyne Muuse Biixi ayaa dumarka Somaliland u saxiixay qoondo 22% ah

Xildhibaan Baar Saciid Faarax oo ah gabadha keli ah ee ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo BBC Somali la hadashay bartamihii sannadkii 2018-kii, waxay sheegtay: “Haweenku waa bulsho ka badan ragga. In umadda intaa la eg indhaha laga qarsado oo wax lala qaban waayo waa arrin qaldan”.

Golaha deegaanka iyo Aqalka Wakiillada ee horay u jiray waxaa aad ugu yaraa dumarka ka dhex muuqday, taasi oo Nafisa ay sabab uga dhigtay in sharciga matalaadda u aqoonsanaya haweenka uusan markii hore jirin.

“Horay sharciga uguma aysan jirin qoondoda dumarka loo asteeyay, laakiin haddii ay baarlamaanka saxiixaan qodobka haweenka loogu oggolaaday matalaaddooda ee uu madaxweynuhu saxiixay, markaas waxaan heleynaa qoondo sharciyeysan.”

Maxay tahay sababta aysan dumarka u helin matalaad ku filan?

Si la mid ah aragti horey u soo taagneyd, guddoomiyaha dalladda haweenka ee Nagaad waxay aaminsan tahay in odayaasha dhaqanka “ay ka gaabiyeen taageeridda doorka siyaasadeed ee haweenka”.

“Kolley annagu dadaal naguma yaren, waana run in odayada dhaqanku ay hormuud ka yihiin arrintaas. Sababtoo ah inta badan waxaa dhici jirtay in markii nin iyo haweeney ay u soo wada istaagaan xil siyaasadeed, mar walba la door bido ninka u taagan doorashada. Laakiin baaqyo badan oo ay sannadkan sameeyeen oday dhaqameedku waxay ballan qaadeen in aaney maanta cidna ka hormarin doonin haweenka,” ayey tidhi Nafiso.

Axsaabta iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa badhtamihii bishii la soo dhaafay heshiis ka gaadhay sida loo qabanayo doorashada baarlamanka oo ay muddo isku khilaafsanaayeen

Muddo laba sannadood ku dhow ayey doodda qoondada dumarka taagnayd waxaana socday dedaallo la doonayey in lagu furdaamiyo. Mararka qaarkood waxaa xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda dhexdhexaadinayay dalalka Somaliland ka taageera dhanka dhaqaalaha doorashooyinka.Madaxda xisbiyada Somaliland iyo madweyne Muuse Biixi

Saami qeybsiga gobollada

Garyaqaan Mustafe Maxamed H.Daahir, oo ah Lataliyaha Sharciga ee Golaha Wakiilada JSL, ayaa BBC-da u sharraxay sida kuraasta doorashada loogu kala qeybiyay gobollada ay ka kooban tahay Somaliland.

Iyadoo mudnaanta la siinayo danta qaranka ugu jirta taabbagalinta doorashada awgeed, saamiga kuraasta gobolladu ku yeelanayaan Golaha Wakiilada waxa doorashadan oo KALIYA loo qaybiyey sidan:

  • Gobolka Hargeisa…………………… 20 kursi
  • Gobolka Togdheer………………….. 15 kursi
  • Gobolka Awdal……………………… 13 kursi
  • Gobolka Sanaag……………………. 12 kurs
  • Gobolka Sool…………………………. 12 kursi
  • Gobolka Saaxil………………………. 10 kurs

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM