telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Jilaa Sahaar Oo La Toogtay Xilli ay ku Socotay Goobteeda Shaqada

Saba ayaa la toogtay xili ay ku sii jeeday goobteda shaqada

Saba Sahar, oo aheyd haweeneydii ugu horeysay ee agaasime ka noqto filim dalka Afghanistan, ayaa lagu toogtay caasimadda Kabul.

Haweneydaan oo 44-jir ah ayaa loo qaaday isbitaal balse xaddiga dhaawaceedu gaarsiinyahay ma cadda

Ninkeeda, Emal Zaki, ayaa sheegay in ay usocotay shaqada markii seddex nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigeeda. Mana jirto koox sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Ms Sahar waxay ka mid tahay jilayaasha ugu caansan Afgaanistaan, sidoo kale waa agaasime iyo u ololeeya xuquuqda haweenka.Saba iyo ninkeeda

Toogashadu waxay ka dhacday galbeedka Kaabul, ayuu yri Mr Zaki oo la hadlay BBC-da. Waxaana la saarnaa gaarig,Ms Sahar laba ilaaliye, ilmo yar iyo darawal.

Ragii ilaalinayay ayaa sidoo kale dhaawacmay ilmaha yar iyo darawalka iyaga wax dhaawac ah kama soo gaarin weerarka .

Mr Zaki wuxuu sheegay inuu maqlayay rasaasta shan daqiiqo ka dib markii xaaskiisu guriga ka tagtay. Waxaa uu sheegay in markii uu wacay ay u sheegtay in la toogtay oo caloosha xabad looga dhuftay.

“Waxaan gaaray goobta waxaana u tagay dhamaantood oo dhaawac ah” ayuu yri Mr Zaki.

“waxey heshay kaalmo degdeg ah waxaana loo wareejiyay Isbitaalka qaybta gargaarka degdeg ah kadibana Isbitaalka booliska ayaa la’ geeyay” ayuu raaciyay.

Sidoo kale Emal Zaki, ayaa sheegay in Isbitaalka booliska ay xaaskiisu ku gashay qaliin lagu guuleystay.

Ms Sahar waa sargaal haysta tababarka booliska walina waxaa ay ka tirsantahay oo ay la shaqeysaa wasaaradda arrimaha gudaha .Saba

Hay’adda xuquuda aadanaha ee , Amnesty International ayaa walwal ka muujisay weerarada lagu hayo jilayaasha filimada, kuwa u ololeeya siyaasadda iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee gudaha dalka Afghanistan.

.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom