GAAROODI NEWS NETWORK

“60 sanno ka hor geel la’iga dhacay ayaa hadda la’ii soo celiyay”

Haweeney awr hogaamineyso meel u dhaw xerada qaxootiga Dhadhaab waqooy bari Kenya

Cabaas Cilmi Maxamed oo ku nool magaalada Mandheera ee kenya, oo BBC-da wereysi siiyay, ayaa sheegaya in geel muddo dheer ka hor laga dhacay hadda dib loogu soo celiyay.

“Qoyska isoo celiyay geela waxay ii sheegeen inuu u cuntami waayay, ka dibna ay go’aan ku gaareen in ay iska soo celiyaan.”

Wuxuu sheegay inuu geeriyooday ninkii dhacay geela. “Toddobaadkan waxaa la ii soo celiyay 9 neef oo geel ah oo muddo 60 sanno ka hor qoyskeyga laga dhacay.

Labada dhinac waxay horey isaga dheceen geel badan, waana mid ka mid ah arrimihii soo taagnaa ee colaadaha sababi jiray ee Soomaalida dhexdeeda, balse Cabbaas oo ay BBC-da weydiisay haddii ay ogaayeen in geela ay ka dheceen qoyskaas iyo waxa sababay in si nabad ah ay uga raadsan waayeen?

“Xitaa haddii aad aragto geel lagaa dhacay, ma wareysan kartid sababo la xiriira aminigaaga, waxaana jirtay cabsi badan. Qofkii cabsi Alle u soo celiya mahane, ma jirin rajada ah in aad raadsato geel lagaa dhacay”, ayuu yiri.

Hase yeeshee hadda Cabbaas Cilmi wuxuu rajo ka muujinaya isbadalka ku yimid Soomaalida geela isku celineysa, wuxuuna aaminsan yahay in tallaabooyinkaas ay horseedayaan nabad iyo isu soo dhowaansho dhanka qabaa’illada walaalaha ah.

Haweenay naafo ah oo geel ku dhaqata hab casri ah

Dhanka kale Cabaas ayaa sheegaya in isaga laftirkiisa uu geel celiyay kaddib markii nin qaraabo ay yihiin uu codsaday in geel uu horay usoo dhacay laga celiyo.

“Anigaan Cabbaas ah waxaan 21-kii bishan celiyay geel uu hadda ka hor soo dhacay nin aanu qaraabo nahay, isaga ayaana codsaday in geelaasi laga celiyo”.

“Maalin ayuu odayaasha qabaa’ilka u yimid wuxuuna yiri, neef geel ah ayaan hadda ka hore soo dhacay, faracii hashaasina muddo ayaan cunayay, hadda hal neef ayaa ka dambeeya waxaana dareemay inuu neefkaas i gubayo, marka waxaan rabaa in la’iga celiyo.”

Muddooyinkii dambe waxaa deegaannada Ismaamulka Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya ku soo badanayay shakhsiyaadka soo celinaya geel ay qoyskooda dhaceen muddo dheer ka hor. Arrintaas ayaa loo aaneynayaa wacyi-gelin badan oo ay sameeyeen culimada deegaankaasi.

Deegaannada qaar waxaa ka jiro geel la kala dhaco, sida kaliya ee inta badan lagu xallin jirey arrintaas na waxay ahayd in geel kale la soo dhoco ama colaad ay billaabato.

Waa arrin dhif iyo naadir ah in geel la kala dhacay la’isu celiyo, gaar ahaan dad aanan isku heeb ahayn, marka laga hadlayo abtirsiga Soomaalida.

.

Dadka Soomaalida ah geelu wuxuu wax ay ku faanaan – qof kastana waxaa lagu sharfaa tirada geela ee uu haysti. Sidoo kale waxaa lagu bixiyaa magta.

Dhinaca Suugaanta xitaa waxay abwaanno badan ku ammaaneen geela.

Caadiyan Geela wuxuu magac iyo muuno gaar ah ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida oo xooluhu yihiin laf-dhabarta nolashooda.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM