GAAROODI NEWS NETWORK

Paul Pogba Oo Laga Helay fayraska Corona

Paul Pogba

Laacibka khadka dhexe uga dheela kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa laga helay fayraska corona, sida uu sheegay tabaraha kooxda qaranka Faransiiska Didier Deschamps.

27- sano jirkan ayaa muddo 14 maalmood ah iskarantiili doona.

Kama qeyb gali doono kulanka Nations League ee faransiiska iyo Sweden ee Sabtida dhici doona, sidoo kale waxaa dhaafi doonta cayaarta Croatia ay la cayaari doonaan 3 maalmood kaddib kulanka Sweden.

Hase yeeshee waxaa suurogal ah in Pogba uu ka mid noqdo ciyaartooyda loo xulanayo kulanka kooxdiisa Man u ay la yeelan doonto Crystal Palace 19-ka September, waa kulanka ugu horreeya ee Premier League ee ay dheleyso Manchester United

Naadigiisa ayaa sheegay: “In qofkasta oo ka tirsan United uu Pogba u rajeeynayo caafimaad deg-deg ah.”

Kulamada Faransiiska Pogba waxaa lagu baddali doonaa 17-ka khadka dhexe uga dheela kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga.

“Waxaan bookiisa buuxiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay,” ayuu yiri tababare Deschamps.

“Paul Pogba, oo markii hore ku jiray liiska ayaa nasiib darro laga helay fayraska corona kaddib markii la baaray.”

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM