Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Liverpool, Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisu ay daneyneyso iibsashada xiddigga Barcelona, Lionel Messi, laakiin wuxuu qiray in uu “ku fiicnaan lahaa” inuu kusoo biiro horyaalka Premier League-ga.
Mustaqbalka Messi waxaa hareeyay hadalheyn badan oo ku aaddan halka uu aadi doono, tan iyo markii uu codsaday inuu ka tago kooxdiisa Barca, balse macalin Klopp wuxuu sheegay in isagu uusan wax fursad ah u heynin weeraryahankan.
Mar la weydiiyay inuu daneynayo lasoo wareegitaankan 33 jirkan ayuu Klopp yidhi: “Ma jirtaa koox aan rabin inuu Messi ka mid noqdo?
“Innaga xageenna uma soo socdo, laakiin waa ciyaartoy aad u wanaagsan runtii.”
Messi ayaa lala xidhiidhinayaa inuu dib ula midoobi doono tababarihii hore ee Barca, Pep Guardiola, oo hadda leyliya kooxda Manchester City
Macallin Klop ayaa qaba in haddii ay taasi dhacdo ay kooxda kasoo horjeedda ka awood badnaan doonto sidii ay horay u ahayd, “sahalna aysan noqon doonin in laga guuleysto”.
City ayaa ahayd kooxdii ugu soo dhaweyd Liverpool, oo sanadkan qaadday horyaalka.
“Waligiis kama uusan ciyaarin horyaal aan ahayn midka Spain. Kubadda halkan laga ciyaaro waa mid ka duwan taas. Waan jeclaan lahaa inaan arki laakiin ma hubo inay taas suuragal noqon doonto,” ayuu yidhi Klopp.
Liverpool ayaa hadda wadda diyaargarowga ay ugu jirto kulan ay koobka Community Shield kula loollami doonto kooxda Arsenal, oo soo qaadday koobka FA-ga.
Niyad jab weyn oo ka muuqday Messi ayaa soo shaac baxay kaddib markii kooxdiisa Barca ay guuldarro 8-2 ah kala kulantay kooxda Bayern Munchen, oo ay isku arkeen rubuc dhammaadkii horyaalka Yurub ee Champions League, 16-kii bishan August.
Hase yeeshee ciyaartoygan ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay shakhsiyaadkii ugu xirfadda wanaagsanaa ee abid soo maray taariikhda kubadda cagta adduunka.
Waxa uu Baarceloona ku soo biiray isagoo 13 sanno jir ah sannadkii 2000, xilligaasi oo uu ka soo wareegay naadiga Newell’s Old Boys ee dalkiisa Argentina. Tan iyo markaasi waxa uu dhaliyay 637 gool, 731 ciyaarood oo uu saftay Barca. Waxa uu kooxda kula guuleystay 34 koob oo waaweyn oo ay kamid ahaayeen 10 horyaalka Spain ee La Liga iyo 4 koob Champions League ah.