telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Agaasimaha Dallada SONYO Oo Ay Wehelinayaan Gudoomiyeyaasha Garabada Dhalinyarada Ee Saddexda Xisbi Qaran Ayaa Ka Qayb Galay Doodii Xildhibaanada Golaha Wakiiladda JSL Ee Xeerka Doorashada JSL

Hargeisa(Gaaroodinews)  Agaasimaha Dallada dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Abdihamid Mohamed Omer oo ay wehelinayaan Gudoomiyeyaasha garabada dhalinyarada ee saddexda xisbi qaran (KULMIYE, WADANI & UCID) ayaa maanta ka qayb galay doodii xildhibaanada golaha wakiiladda JSL ee xeerka doorashada JSL.

Waxayna sidoo kale la kulmeen gudoomiyaha Golaha wakiilada iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha oo ay kala hadleen sidii xeerkan looga saari lahaa qodobada caqabada ku ah inay golayaasha degaanka dhalinyaradu isku soo sharaxaan.
Dallada SONYO Waxaa ka go’an inay dhalinyarada inay dedaal galiso in dhalinyaradu qayb ka noqdaan goleyaasha dalka looga arimiyo.

 

 

Hargeisa/Office

Www.gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom