GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Cabdikareem Ahmed Mooge Oo Kaqaybgalay Furitaanka Koobka Kooxaha Heerka Labaad Ee Degmada Maxamuud Haybe + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Waxaa Maanta ka Furmay Garoonka Kubada Cagta Ee  Maxamuud Ahmed Cali Koobkii Degmada Maxamuud Haybe Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Kooxda Jufan Ee Heerka Labaad Ee Kooxaha Kubada Cagta Ee Maxamuud Haybe Iyo Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada waxaana ka soo Qayb galay Munaasibada Ibo Furka Tartankaas  Musharax Abdikariim Ahmed Mooge Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Mohamed Nuux Iyo Xoghayaha Gobalka marood jeex Sidoo Kale Waxaa Munaasibadaas Kasoo Qaybgalay Gudoomiyaha Nabadgalyada Maxamuud Haybe Iyo Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Qudhac Dheer Abdi Madoobe

Musharax Cabdikareem Ahmed Mooge Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golayaasha Deegaanka Oo Halkaasi Kahadlay Ayaa Dhalinyarada Kubooriyay Ugana Mahadnaqay Inay Soo Qabanqaabiyaan Tartanada Noocan Ookale ah

Musharax Cabdikareem Ahmed Mooge Waxaa Uu Dhalinyarada Koobkaasi Loo Qabtay Iyo Dhamaan Dhalinyarada Reer Hargeisa Ee Jecel Isboortiga Uu Ubalanqaaday Haduu Uu Kuguulaysto Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Uu Dhalinyarada Kataageeri Doono Isboortiga Iyo Ciyaaraha

Gabagabadiina Waxaa Uu Dhalinyarada Mahamuud Haybe Iyo Dhalinyarada Koobkaasi Loo qabtayba Waxa Uu Kubooriyay Inay Kudadaalaan Ciyaaraha Nabadgalyadana Ay Ilaaliyaan

Koobkan Maanta Laga Bilaabay Garoonka Maxamuud Ahmed Cali Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgali Doona Lix Iyo Toban Kooxood Oo Kamid Ah Kooxaha Heerka Labaad Ee Degmada Maxamuud Haybe

 

Hargeisa/Office

Gaarooditv@Gamil.com

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM